Ugu yeeridda daanyeer waa “xushmad” ee ma aha “cunsurinimo”

0
462

Ugu yeeridda daanyeer waa “xushmad” ee ma aha “cunsurinimo”

Koox ka mid ah taageerayaasha Inter Milan ayaa sheegay in daawadayaashii ciyaartii Cagliari ay Romelu Lukaku u muujiyeen “xushmad” markii ay ku tilmaamayeen daanyeer oo hees ay ugu qaadeen.

Lukaku, oo ka soo tagay Manchester United ayaa xagaagan ku biiray Inter Milan, wuxuuna la kulmay xadgudub cunsurinimo ah ka dib markii uu dhaliyay goolkii guusha ee ciyaartii ku dhammaatay 2-1.

Qoraal ka soo baxay kooxda taageerayaasha Inter Milan ee Curva Nord waxaa lagu sheegay: “Taageerayaasha reer Taliyaani ma ahan cunsuriyiin”, xad gudubkana wuxuu ahaa mid ku kooban ciyaarta.

Waxaa intaa lagu daray: “Waan ka xunnahay in wixii ka dhacay Cagliari aad u maleysay cunsuriyad”.

Warqadda furan ee loo diray laacibka u dhashay Belgium waxaa lagu daabacay bogga Facebook ee taageerayaasha, waxaana sidoo kale lagu qoray: “Waa inaad fahantaa in Taliyaaniga uusan la mid ahayd dalalka Woqooyiga Yurub oo cunsuriyaddu ay ka tahay dhibaato dhab ah”.

“Waan fahansannahay in adiga ay kuula muuqan kartay cunsuriyad balse sidaas ma ahan. Waxaan gudaha Taliyaaniga ku adeegsanaa ‘qaabad’ ku kooban ‘caawinta kooxdeena’ iyo in aan ka careysiino dhinaca naga soo horjeedo; ma ahan cunsuriyad balse waa jahwareerin”.

“Fadlan, dhaqankan taageerayaasha Taliyaaniga u arag xushmad ah in ay ka baqayaan goolasha aad dhaliso, balse aysan ahayn dad ku faquuqaya.”

Lukaku, oo sheegay in ciyaarta aysan si wanaagsan u socon ka dib “ereyadaas xadgudubka ah”, wuu istaagay wuxuuna indhaha u taagay dhanka shabaqa goosha gadaashiisa ah oo ah meesha ay ereyada ka bilowdeen ka dib markii uu dhaliyay goolkii guusha.

Difaaca Inter, Skriniar ayaa la arkayay isagoo bishimiisa saaray fartiisa oo taageerayaasha Cagliari u sheegaya in ay joojiyaan. Wuxuu garabsiinayay saaxiibkiisa Lukaku, wuxuuna dhalleeceeyay ficilka taageerayaasha ka dib markii ciyaartu dhammaatay.

Xadgudubkaas loo geystay Lukaku waa midkii ugu dambeeyay ee taageerayaasha Cagliari u geystaan ciyaaryahan madow ah oo midabkiisa lagu cunsuriyeeyo isagoo garoonka ku jira.

War qoraal ah oo ka soo baxay kooxda Cagliari waxaa lagu sheegay in “la garandoono, garoonkana laga mamnuuci doono shaqsiyaadka jaahiliinta ah ee ficilkooda ashaxa xun uu guud ahaanba ka soo horjeedo qiyamka Cagliari Calcio”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here