Diyaarado dagaal oo duqeyn ka geestay gobolka Shabeelaha Hoose

0
461

Diyaarado dagaal oo duqeyn ka geestay gobolka Shabeelaha Hoose

Diyaarado dagaal oo loo fishay in ay leedahay dowlada Mareykanka ayaa xalay duqeyn culus ka geestay xarun maleeshiyada Shabaab ku leeyihiin gobolka Shabeelaha Hoose.

Saraakiil ka tirsan milatariga dowlada ayaa xaqiijiyay in weerarkan uu ka dhacay wadada dheer ee xiriirisa Ambareeso iyo degmada Sablaale.

Saldhiga ciidan ee la duqeeyay ayaa maleeshiyada Al-Shabaab waxay ka waday howlo tababar, sida ay wararku Tilmaamayaan.

Dhanka kale ilaa iyo hada ma cadda qasaaraha rasmiga ah ee ka dhalatay duqeyntan oo noqoneysa tii labaad mudo 2 maalin ah kadib oo ka dhacda gudaha Dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here