Akhriso: Khudbadda Madaxweyne Farmaajo ka jeediyay Shirka Brussels
Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa khudbad dhinacyo badan taabaneyso ka jeediyay shirka Brussels ee looga hadlayo arrimaha Soomaaliya.
Halkan hoose ka akhriso khudbadda Madaxweynaha oo qoraal ah:-
Mudanayaal iyo marwooyin, martida iyo saaxiibbada sharafta leh,
Waxaa farxad iyo sharaf weyn ii ah inaan maanta halkan ku suganahay aniga oo idin kala hadlaya dardargelinta maalgashiga ganacsiga gaarka loo leeyahay ee Soomaaliya, si loo gaaro soo-kabasho dhaqaale, iyadoo loo marayo hannaan maalgelin oo casri ah.
Soo kabashada dhaqaale waa qodob mudnaan u leh dawladdayda oo ay aaminsan tahay in uu xoojinayo deganaanshaha, maalgashiga, shaqo-abuurka iyo soo celinta guud ahaan rajada shacabka.
Soomaaliya waxa ay abaal u haysaa dhammaan qaybaha caalamka ee nagala shaqeeya dhiirrigelinta horumarinta ganacsiga gaarka loo leeyahay, waxaanna caddaynaynaa, dawlad ahaan, in ganacsiga gaarka loo leeyahay uu yahay qayb muhiim u ah horumarka.
Ugu horreyntii, waxa aan garwaaqsanahay doorka muhiimka ah ee ganacsatada Soomaaliyeed ay ku leeyihiin soo kabashada Soomaaliya. Waqtiyadii adkaa, ganacsato dhiirranaan leh ayaa maalgashaday adeegyada asaasiga ah, taas oo dadkayaga u suurtagalisey in ay caalamka ku xirnaadaan. Dadaalladaas haatan waxa ku soo biiray qorsheyaal ganacsi oo lagu ballaarinayo saaxadda dhaqaale, iyadoo lala imaanayo hal abuur iyo aragti cusub. Sidaas oo ay tahay, waxa weli loo baahan yahay in la maalgaashado kaabayaasha dhaqaale ee muhiimka ah, si loo kordhiyo wax-soosaarka iyo fursadaha dhaqaale.
Dawladdani waxa ay ganacsiga gaarka ah u aragtaa mid laf-dhabar u ah horumarka iyo dib-u-soo-kabashada dalka. Waxaa naga go’an inaan noqonno maamul u roon ganacsiga iyo ganacsatadaba, annaga oo abuurayna deegaan maalgashi oo habboon, si ganacsatadu, kuwii hore iyo kuwa danbeba, ay u guuleystaan.
Soomaalidu dabeecad ahaan waa dad ganacsi, dawladduna waxa ay u suurtagelinaysaa fursadaha ugu badan si loo gaaro guul bulsho iyo mid dhaqaale. Sidaasi darteed, dardargelinta maalgashiga ganacsiga gaarka ah waa yool lagama maarmaan ah oo aan ku kalsoonahay in lagu gaari karo iskaashi.
Laga soo bilaabo kulankeennii London ee sannadkii hore, waxaa la ansixiyay Sharcigii Maalgashiga Soomaaliya, iyadoona la aasaasay Guddiga Maalgashiga Qaranka. Xeerkii Isgaarsiinta sharci noqday, waxaana dhidibbada loo taagey hay’addii maamuli lahayd.
Dawladdda Federaalku waxa ay xoojisay wada hadallada kala dhexeeya ganacsatada gaarka ah iyada oo ujeedkeedu yahay in dhaqaalaha la kobciyo, lana kordhiyo kalsoonida maalgashadaha. Waxaa kale oo la hagaajiyey siyaasad-dejintii la xiriirtay dhaqaalaha iyo cashuuraha. Waxaa hubaal ah in dadaalladani ay keeni doonaan adeegyo badan, isla markaana kordhin doonaan dakhliga dawladda ee gudaha, si dib loogu maalgaliyo isbeddelka Soomaaliya.
Waxaan ogsoonnahay in ganacsatada iyo maalgashadayaashu ay u baahan yihiin in loo ilaaliyo hantidooda iyo hal-abuurkooda, si ganacsiga gaarka loo leeyahay uu doorkiisa oo buuxa uga ciyaaro soo kabashada Soomaaliya. Waxa kale oo ay u baahan yihiin inay helaan bangiyo iyo hay’ado maaliyadeed oo uu u maalgeliya ganacsiyadooda, una ilaaliya hantidooda.
Dawladdani waxa ay samaynaysaa dadaal kasta oo ay kor ugu qaadayso tartanka ganacsiga, hal abuurka iyo in la sameeyo iskaashiyo maxalli ah iyo kuwo caalami ah oo lagu dardargelinayo maalgashiga qaybaha muhiimka ah ee Soomaaliya sida ganacsiga beeraha, xoolaha, kalluunka iyo tamarta.
Iskaashiyadani waxa ay faa’ido weyn u leeyihiin maalgashadayaasha iyo dadka labadaba, gaar ahaan, haddii ay abuuraan hannaan oggolaanaya in badeecado iyo wax soosaar badan lagu sameeyo gudaha Soomaaliya, loona iibgeeyo suuqyada maxalliga ah iyo kuwa caalamka.
Ganacsigu waa uu ka jiritaan iyo sharaf badan yahay kaalmada. Tani waa xaqiiqo aannu si fiican u fahansannahay, waxaana xoogga saaraynaa in dadaalladani ay miradhalaan. Ilaa iyo markii ay xukumaaddani la wareegtey talada dalka, waxaanu heshiisyo la saxiixannay saaxiibbo muhiim ah, si loo kordhiyo ganacsiga iyo maalgashiga. Waxa aannu ka shaqaynaynaa dib ugu biirista Ururka Caalamiga ah ee Ganacsiga, Ururka Ganacsiga Waddamada Koonfurta iyo Bariga Afrika (COMESA), waxaan kale oo qiimaynaynaa sidii aannu uga faa’idaysan lahayn isdhexgalka dhaqaale ee heer gobol. Sidoo kale, waxa aan ku rajaweynahay in heshiisyadani ay Soomaaliya dib ugu xiri doonaan suuqyada caalamiga ah.
Ganacsatada Soomaaliyeed waxa ay u baahan yihiin maalgashi, waxa ayna mudan yihiin taageero si ay u kobcaan. Dhinacayaga, waxa aannu ku dhiirrigelinaynaa Bangiyada Soomaalida ee gaarka loo leeyahay inay sii wadaan taageeridda ganacsiyadii hore iyo kuwa cusub, maxaa yeelay taas ayaa xasilinaysa Soomaaliya, kordhinaysa fursadaha, abuuraysana barwaaqo waarta.
Ugu danbayntii, dardargelinta maalgashiga ganacsiga gaarka loo leeyahay si soo kabasho dhaqaale loo gaaro waxa ay u baahan tahay aragti, dhiirranaan iyo iskaashiyo micno leh.
Waa inaan fursado u abuurnaa da’yarteenna si ay jiilkooda iyo kuwa ka danbeeyaba ugu abuuraan mustaqbal barwaaqo leh.
Haddii aan iska kaashanno gaarista yoolkan, waxa aan abuuri karnaa rajada ay da’yar badani ka baadigoobayso dibadaha, taasi oo naga luminaysa ka faa’idaysiga awoodda dhallinyaradaas.
Taas ayaa ah waddo la hubo oo ay Soomaaliya iyo saaxiibbadeeda caalamiga ahi si wadajir ah ugu faa’idayaan.
Waa idiin mahadcelinayaa idilkiin.
DHAMMAAD