Maxkamada sare ee Mareykanka oo Trump u ogolaatay in uu Darbi ku xiro xadka Mexico

0
485

Maxkamada sare ee Mareykanka oo Trump u ogolaatay in uu Darbi ku xiro xadka Mexico

Maxkamada Sare ee Mareykanka ayaa ayiday in madaxweyne Donald Trump maamulkiisa uu balaayiin doolar u adeegsado dhisida gidaar lagu dhex oodayo xadka Mexico iyo Mareykanka kaasi oo horay ay u diideen xubnaha aqalka hoose ee Congress-ka.

Garsoorayaasha maxkamada ayaa Jimcihii shalay badi waxay isku raaceen go,aankaan iyadoo dhismaha darbiga Mexico uu ka mid ahaa qeyb ka mid Ololihii uu Trump ku soo galay doorashadii 2016-kii.

Alla! waa guul weyn oo laga gaaray dhismaha darbiga Mareykanka, taasi oo noo ogolaaneysa in aan dhisno dhanka xuduuda koonfureed ee noo dhaxeysa Mexico, sidaasi waxaa yiri Trump kadib markii la shaaciyay xukunka Maxkamada.

Dhanka kale waxuu tilmaamay in arintaan ay tahay faa,iido dhanka amniga iyo kala danbeynta sharciga Mareykanka.

Waaxda difaaca u qaabilsan dhanka dhismaha ayaa waxaa loo qoondeeyay 2.5 billon oo doolarka Mareykanka si xeyndaab dheer loogu oodo gobolada Arizona, California oo xad la leh Mexico.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here