Puntland oo heegan gelisay ciidamadeeda, xilli ay isku diyaarineyso xuska maalintii la aas aasay

0
465

Puntland oo heegan gelisay ciidamadeeda, xilli ay isku diyaarineyso xuska maalintii la aas aasay

Wararka ka imaanaya Puntland ayaa sheegaya in heegan la geliyay ciidamada ammaanka ee Puntland, si Puntland kaga nabad-gasho weeraro ka dhaca, inta lagu guda jiro xuska maalintii Puntland la aas aasay oo 21 sano ay ka soo wareegatay.

Yuusuf Maxamed Ismaaciil, Wasiir Kuxigeenka Amniga Puntland oo sheegay in Puntland ay xoojineyso amnigeeda ayaa dhanka kale Saraakiisha ciidamada ku amray inay feejignaan muujiyaan.

Wasiir Kuxigeenka Amniga Puntland oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Garoowe ayaa sheegay in Saraakiisha ciidamada uu ku adkeynayo in ay ka feejignaadaan wax kasta oo dhaawici kara Puntland.

“Waxaan mar labaad iyo saddexaad ugu baaqayaa inay iska ilaaliyan wax kasta oo Puntland dhaawacaya. Puntland iyo maanta, Puntland way 21 jirsatay, muddo dhawr cisho inaga xigto waxay u dabaal-dageysaa 21 jirkeeda. Waa dowlad qaangaartay, waa dowlad gaamurtay, umadda Soomaaliyeed hormuud u ah, waxa halkaa gaarsiiyayna waa shacabkeeda.” Ayuu yiri Yuusuf Maxamed Ismaaciil.

Waxa kaloo uu yiri “Shacabka reer Puntland mar labaad iyo saddexaad waxaan ugu baaqayaa inay dowladooda, dalkooda iyo diintooda ilaashadaan. Xukuumaduna waxay diyaar u tahay inay dalkeeda ka shaqayso. Golaha Wasiirada Puntland ee saaxiibadey iyo Golaha Xukuumadda dhammaanba waxaan ugu baaqayaa inay waraabaha ka ilaaliyaan dalkooda.”

Ugu dambeen wuxuu yiri “Shacabkayaga waxaanu la wadaagi doonnaa wecyigelinta, difaaca, nabadeynta iyo waxkasta oo dhexdoodu ka jira oo la xalinayo. Insha’Allah guul iyo gobonimaa idin rajeynayaa.”

1da bisha August oo maalmo ay inaga xiggaan ayaa waxay ku beegan tahay sanad guuradii 21aad ee ka soo wareegatay markii Puntland dhidhibada loo taagay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here