Joaquin “El Chapo” Guzman oo xabsi Daain lagu Xukumay

0
474

Joaquin “El Chapo” Guzman oo xabsi Daain lagu Xukumay

Ninka ku caan baxay ka ganacsiga daroogada ee u dhashay dalka Mexico oo lagu magacaabo Joaquin “El Chapo” Guzman ayaa lagu xukumay xabsi daa,in inta ka dhiman Noloshiisa.

Mr El Chapo oo 62 jir ah ayaa horay u soo noqday hogaamiyiha kooxda ka ganacsatada daroogada ee loo yaqaan Sinaloa ee ku sugan gudaha Mexico.

Maxkamada Fedaraalka Mareykanka ayaa bishii Febraayo ee sanadkaan u maxkamadeysay danbiyo kala duwan in uu geestay waxaana ka mid ah in boqolaal tan oo daroogo ah si sharci darro ah ku geeyay dalka Mareykanka.

Garsoorka Maxkamada magaalada Newyork oo xukunka ku dhawaaqay ayaa u ogolaaday Joaquin “El Chapo in uu fursad u heesto in uu la hadlo dadweynaha ka hor inta aan loo Gudbin Xabsiga.

Ninkaan ku caan baxay daroogada ayaa sheegay in tan iyo markii ay xirtay dowlada Mareykanka la diiday in la dhageysto hadaladiisa oo aysan qalad uu ka galay shacabka iyo dalka Mareykanka.

Mr El Chapo ayaa intaa raaciyay in dalka Mareykanka aysan ka jirin xukun cadaalada.

Si kastaba ha ahaatee Joaquin “El Chapo” Guzman oo caan ku noqday ka ganacsiga daroogada ayaa inta ka dhiman cimrigiisa wuxuu ku xirnaan doonaa xabsiga dhexe Colorado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here