Dowlada Kenya oo ka qaaday xayiraadii kalluumeysatada Lamu

0
454

Dowlada Kenya oo ka qaaday xayiraadii kalluumeysatada Lamu

Dowlada Kenya ayaa ka qaaday xayiraadii saarneyd kalluumeysatada Lamu ee hore looga joojiyay inay ka jillaabtaan meelo ku dhow xadka Soomaaliya.

Sarkaal ka tirsan Maamulka xeebaha dalka Kenya John Elung ayaa sheegay in ammaanka sare loo qaaday lana geeyay xeebaha ciidamo Milatari ah.

Dowlada Kenya ayaa ka mamnuucday horaantii bishan kalluumeysatada Kenya meelaha u dhow dhow xadka dalka Soomaaliya gaar ahaan Ras Kamboni sababo amni awgeed.

Mamnuucida ay hore ugaga mamnuucday dowlada Kenya kalluueysatada Lamu ayaa ka mid ahayd tallaabooyin is xig-xiga oo ay dowlada Kenya qaaday kuwaasoo loogaga soo horjeedo dowlada Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here