Sacuudiga oo Maxkamad soo taagay Haween u dooda Xuquuqda Aadanaha

0
499

Sacuudiga oo Maxkamad soo taagay Haween u dooda Xuquuqda Aadanaha

Haweeney u dooda xuquuqda aadanaha oo lagu magacaabo Samar Badaawi ayaa khamiista maanta ah ka soo muuqatay maxkamada Sacuudiga kadib markii lagu eedeyay falal Argagixiso.

Badaawi ayaa ah gabar la dhalatay Raif Badaawi oo wax ku qora baraha bulshada, kaasi oo 10 sano oo xabsi ah ay ku xukuntay xukuumada Riyaad sanadkii 2012-dii kadib markii lagu eedeyay in uu dhaliilay madaxda Boqortooyada.

Waa markii ugu horeysay oo Samar Badaawi ay ka soo muuqato maxkamada tan iyo 30-kii July ee sanadkii 2018-kii oo xabsiga loo Taxaabay.

Waxaa sidoo kale maxkamada danbiyada Sacuudiga ka soo muuqday Nassima al-Sadah oo u ololeysa xuquuqda aadanaha oo ka soo jeeda bariga Sacuudiga iyo Amal al-Harbi.

Hey,adaha u dooda xuquuqda aadanaha ee wadamada midowga Yurub ayaa walaac ka muujiyay maxkamadeynta haweenkaan maadama la soo taagay maxkamada danbiyada oo aalaaba dowlada ay saarto shaqsiyaadka diidan siyaasada Dowlada.

Sharciga Sacuudiga ayaa dhigaya muwaadinkii lagu helo danbi Argagixiso in uu muteysanayo 20 sano oo Xabsi Ah.

Philippe Nassif oo ka tirsan hey,ada u dooda xuquuqda aadanaha ee Amnesty ayaa ugu baaqday dowlada Mareykanka in ay ka qeyb qaadato sidii dumarkaan loo sii deyn Lahaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here