Ammaanka Magaalada Dhuusamareeb oo la adkeeyay iyo Warar sheegaya in Raiisal Wasaare Khayre ku wajahan yahay

0
465

Ammaanka Magaalada Dhuusamareeb oo la adkeeyay iyo Warar sheegaya in Raiisal Wasaare Khayre ku wajahan yahay

Ammaanka Magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud, ayaa si wayn loo adkeeyay waxaana qorshaha uu yahay in halkaasi uu gaaro Ra’iisul Wasaaraha Somaliya Xasan Cali Khayre.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada 21-aad ee Xoogga dalka Somaliya lagu kordhiyay Ciidankii horay u joogay magaalada Dhuusamareeb , islamarkaana ammaanka Magaalada uu yahay mid gacan wayn lagu haayo.

Dhuusamareeb waxaa ku sugan Wafdi uu hoggaaminaayo Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliya Cabdi Maxamuud Sabriye, waxaa kale oo jooga Magaalad Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Somaliya.

Madaxweynaha Galmudug ayaa shalay isaga baxay Magaalada Dhuusamareeb, waxaana uu ku sugan yahay deegaanka Godinlabe oo xalay uu ku hooyday.

Galmudug waxaa ka taagan xiisad siyaasadeed oo adag, xilli Madaxweyne Xaaf uu sheegay doorashada Maamulkaasi inay ka dhici doonto Magaalada Cadaado, halka Wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliya ay sheegtay in Doorashada ay ka dhaceyso Magaalada Dhuusamareeb.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here