Nin taajir ah oo sannadkii oo dhan canshuur ahaan u bixiyey $44 doolar oo kaliya ah
Barnaamijka baaritaanka ee BBC ayaa soo saaray caddeeymo la xiriira nin maalqabeen ah oo ku nool nolal raaxa leh oo lagu magacaabo Frank Timis, kaas oo la sheegay in sannadkii oo dhan canshuurta dakhligiisa uu ka bixiyey ay noqotay oo kali ah £35.20 gini oo u dhiganta 44 doolar.
Frank Timis oo heysta dhalashada waddamada Rumaaniya iyo Austraaliya ayaa ku nool magaalada London, wuxuuna leeyahay shirkad aad u weyn oo Macdanta iyo baadi goobka shidaalka ka shaqeysa.
Mr Timis wuxuu kirada guriga oo kali ah bishi ku bixiyaa £14,000 oo gini, oo u dhiganta 17,694 oo doolar, wuxuuna ka cunteeyaa huteellada kuwooda ugu qaalisan ee ku yaalla magaalada London.
Balse ninkaasi maalqabeenka ah canshuurta uu dakhliga soo galay sanadkii 2017-kii ka bixiyey ayaa lagu sheegay iney tahay £35.20 gini oo kali ah, isaga oo ku dooday in sanadkaasi shirkaddiisa weyn oo waddama badan laama ku leh aysan wax dakhli ah helin.
Qareenka Mr Timis wuxuu sheegay inuu macmiilkiisu bixiyey dhammaan canshuuraha uu sharcigu ku waajibiyay.
Haddab, dukumantiyo caddeyn ah oo soo galay gacanta Barnaamijyada BBC Panaroma iyo Africa Eye ayaa lagu shaaciyay Mr Timis sida uu arrintan u maareeyay.
Waxaa dukumantigaasi ka muuqata in Mr Timt uu sanadkii 2017-kii helay dakhlii dhan £670,000 oo gini.
Dakhligaasi ayaa lagu sheegay inuu yahay lacagaha dhaqadhaqaaqa oo ay ku waajibto in canshuur laga bixiyo.
Balse wuxuu isla-markiba lacagta dakhliga ah ee u soo xarootay sanadkaasi u beddalay lacago amaah ku maqnaa oo u soo noqday maadaama aan amaahda canshuur laga bixin.
Waxaa laga dhigay in la kala saxiixday heshiis deynta ku saabsan si amaahda beenta ah sharci loogu ekeysiiyo.
John Christiansen, oo wakaaladda dakhliga UK ka shaqeeya ayaa yidhi: “Mr Timis si ula kac ah inuu canshuurta isu daba mariyey ayaa lagu tuhunsan yahay, haddii arrintan marka la baaro ay dhab noqotana hay’adaha sharciga ayaa looga baahan yahay inay tallaabada sharciga ee ku habboon ka qaadaan.”
Dukumantiyada la helay
Dukumantiyada kale ee gacanta BBC-da soo galay ayaa waxay muujinayaan inuu sanadkii 2016-kii uusan haba yaraatee wax canshuur ah dakhligiisa ka bixin.
Ninkan maalqabeenka ayaa 1990-yadii lagu dacweeyay inuu ka ganacsado daroogada loo yaqaanno Heroin, wuxuuna qaaradda Afrika ka sameeyey baaritaanno macdan oo uusan ku guuleysan.
Sida oo kale barnaamijka baaritaanka BBC-a inta uu howshan ku guda jiray wuxuu wareysi la yeeshay Philip Caldwell oo ah madxa shirkadda heshiiska deynta ee beenta ah la saxiixatay Mr Timis, oo gacan ka siisay inuu canshuurta isdaba mariyo.
Mr Philip wuxuu sheegay inuu minitka heshiiska uu saxiixiisa ku jiro, balse wuxuu sheegay inuu shirkaasi uu marnaba dhicin waxyaabaha shirka laga qoray oo dhanna ay yihiin been iyo wax kama jiraan.
“Anigu xilligaasi shirka la sheegayo ma ka qeyb galin mana joogin waddanka Swezerland, ayuu yidhi”.