Madaxweyne khudbad jeediyay isagoo biyo hoostood ku jira

0
583

Madaxweyne khudbad jeediyay isagoo biyo hoostood ku jira

Madaxweynaha dalka Seychelles ayaa ka hoos maray biyaha badweynta Hindiya, si uu u jeediyo baaq ku aaddan sidii loo ilaalin lahaa badaha caalamka.

Danny Faure ayaa sheegay in badweyn caafimaad qabta ay tahay “Arrin aad muhiim ugu ah nolosha bani’aadanka”, xilli hadalkaas jeedinayay isagoo heerka biyaha badda ka hooseeya 124 mitir.

Wuxuu madaxweyne Faure ku biiray ol’ole ay Britain horkaceyso oo lagu xoojinayo ilaalinta badweynta.

Sannadkii lasoo dhaafay, dowladda Seychelles, oo ah jasiirad badweynah ku dhex taalla ayaa sameysay meelo lama taabtaan ah oo ka tirsan badda, kuwaasoo “baaxaddooda ay la egtahay dhulka ay ku fadhiso Britain”.

Intii ay socotay khudbadda madaxweynaha oo si toos ah telefsihinka looga sii deynayay, waxaa Mr Faure la arkayay isagoo xiran qalabka loogu tala galay biyaha dhexdooda.

Madaxweynaha dalka Seychelles ayaa ku biiray ol'olaha ilaalinta BadweyntaLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image captionMadaxweynaha dalka Seychelles ayaa ku biiray ol’olaha ilaalinta Badweynta

Wuxuu daawadeyaasha u sheegay in badweyntu ay tahay “wadnaha midabkiisu buluugga yahay ee adduunka”, isagoo sheegay in haddana “ay ku jirto halis aysan horay waligeed u wajihin”.

“Waxaan si halis ah u saameynay deegaanka innagoo sababnay isbaddalka cimilada. Waan arkaa xayawaanka duur joogta ah ee u baahan in la badbaadiyo. sannadihii aan joognay ayaan ku abuurnay dhibaatooyinkan, haddana waa inaan si wadajir ah xal ugu helno”, ayuu yidhi.

Khudbadda madaxweynaha ayaa qeyb ka ahayd ol’ole lagu magacaabay Nekton Mission.

Waxaa lagu sii fidin doonaa ol’olahaas guud ahaan qeybaha kale ee jasiiradda Seychelles.

Ujeeddada ayaa ah in taageerada shacabka la kasbado, si uu waddankaas u ilaaliyo 30% ka mid ah biyahiisa, marka la gaaro sannadka 2020-ka.

Waxaa markaas ka dib dadaalka lagu sii fidin doonaa meelaha kale ee badweynta Hindiya, ka hor inta aan la gaarin shirka Ixford ka dhacaya sannadka 2022-ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here