Maamulka Puntland iyo Shirkada DP World oo ku heshiiyay in la dadajiyo dhismaha Dekeda Boosaaso

0
482

Maamulka Puntland iyo Shirkada DP World oo ku heshiiyay in la dadajiyo dhismaha Dekeda Boosaaso

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan la qaatay madaxda shirkadda DP-World oo uu hogaaminayey maamulaha shirkada Sultan Ahmed Bin Sulayem.

Kulankan ayaa waxaa looga wada hadlay dhismaha iyo balaarinta dekedda magaalada Boosaaso, dar-dargelinta hawlaha shaqo ee dekedda.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in Maamulka Puntland samayn doono jewi sahlaya in deegaanada Puntland u diyaarsanaadaan maalgashi caalami ah, kuwaasi oo taageeraya sugidda Amniga iyo horumarinta deegaanada Puntland.

Shirkadda DP-World ayaa balanqaaday in ay dedejin doonto dhammaan hawlaha la xiriira dhismaha iyo balaarinta dekedda Boosaaso, isla markaana ay ilaalinayaan hishiisyada iyo wax walba oo ku saabsan mashruucaas balaaran ee lagu horumarinaayo xiriirka ganacsi, wada-dhalasho, siyaasadeed iyo kan soo jireenka ah ee Puntland iyo Imaaraadka.

Kulankan ayaa imaanaya labo bilood kadib markii lagu diley magaalada Boosaaso Maareeyihii dekeda Boosaaso Paul Fermoso oo u dhashay dalka Malta iyadoo dilkiisa ay sheegteen ururka Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here