Daanyeer lagu talaalay unugyada maskax bini’aadam

0
607

Daanyeer lagu talaalay unugyada maskax bini’aadam

Seynisyahanno ayaa unugyo maskax banii’aadan ah ku tallaalay koox Daanyeerro ah.

Waxaa howshan ka shaqeeyay khuburro Shiinees ah iyaga oo rumeysan inay abuuri karaan maskax banii’aadan.

Seynisyahanada waxay sheegeen in Daanyeerrada ay yihiin kuwo ku wanaagsan xusuusta marka loo barbardhigo Daanyeerrada kale ee duur joogta ah.

Khuburadda waxay sheegeen inay ogaadeen in maskaxdooda aysan korin markii lagu tallaalay maskax banii’aadan.

Cilmi baarayaasha ayaa sidoo kale sheegay in wax gef aanan laga gelin Daanyeerrada isla markaasna aysan aheyn banii’aadan.

Balse dad badan ayaa ka hor yimid tallaabadan, ha’yadda u doodo xuquuqda xayawaanada ee RSPCA ayaa sheegtay in Daanyeerrada ay xannuun dareemayaan ‘ayna dhibbane u noqdeen tallaabada banii’aadanka uu ku raadinayo wax cusub”.

Daraasaddan ayaa lagu ogaanayay sida ay u korto maskaxda banii’aadanka iyo sida ay uga awood badan tahay tan Daanyeerka oo la sheegay in boqolkiiba 98 ay wadagaan hiddo-sideyaasha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here