Madaxweynaha Suudaan, Cumar Al Bashiir oo ku baaqay wadahadallo lala yeesho mucaaradka.
Madaxweynaha Suudaan Cumar Al Bashiir ayaa sheegay in qalalaasaha ka taagan Suudaan lagu xallin karo oo kaliya ah wadahadallo lala yeesho kooxaha kacdoonka wada.
Waxaa uu u digay kooxaha doonaya inay dalka afduub ku heystaan isla markaasna xiriirka la leh dad shisheeye oo doonaya inay dalka dhibaata ka abuuraan, sida uu barta Twitter-ka kusoo qoray weriye reer Suudaan ah.