Taliska Booliska oo shaaciyay in gaadiid qarax laga soo buuxiyay uu ku jiro Muqdisho

0
535

Taliska Booliska oo shaaciyay in gaadiid qarax laga soo buuxiyay uu ku jiro Muqdisho

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa shaaca ka qaaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay uu ku jiro magaalada Muqdisho.

Shir jaraa’id oo goor dhow Taliye kuxigeenka Booliska Soomaaliyeed Jen. Zakiya Xuseen ku qabatay Muqdisho ayay ku sheegtay in gaari qarax laga soo buuxiyay oo Al-Shabaab soo diyaariyeen, kaasoo nuuciisa yabay Prado uu ku jiro magaalada.

Taliye kuxigeenka Booliska ayaa ugu baaqday shacabka inay ka feejignaadaan gaadiidkaas qaraxa lagu soo diyaariyay, iyadoo soo bandhigtay sawirka gaadiidka.

Waxaa ay sheegtay in ciidamada ammaanka ay ku daba jiraan gaadiidkaas, isla markaana ciidanka ku dadaalayaan sidii looga hortagi lahaa.

Digniinta Taliye kuxigeenka Booliska Soomaaliyeed ayaa ku soo beegmaya, iyadoo inta badan waddooyinka Muqdisho ay xiran yihiin, isla markaana lagu gooyay dhagxaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here