Shirkad Maraykan ah oo ku beereysa maandooriyaha Xashiishka dalka Kenya

0
539

Shirkad Maraykan ah oo ku beereysa maandooriyaha Xashiishka dalka Kenya

Shirkad fadhigeedu yahay magaalada New York ee dalka Maraykanka ayaa ka heshay ruqsad ay ku beeri karto dhul gaaraya 500 Hekter oo ku yaal dalka Kenya maandooriyaha Xashiishada.

Madaxda Shirkada GoIP Global Inc, oo ka diiwaangashan suuqa loo yaqaan OTC ee magaalada New York ayaa waxa ay ku wargeliyeen saamileyda shirkada in ay heleen oggolaanshaha ama ruqsad ay xashiishada ugu beeri karaan dalka Kenya.

“Kadib markii aan booqanay Kenya oo aan la kulanay madaxda dalkaas,waxaan ku faraxsanahay faa’idada ay arrintan u keeni karto shirkada.maadaama aan ku beeri karno xashiishada dhul ballaaran”ayuu yiri madaxa shirkadan Ike Sutton horaantii bishan.

Sida lagu daabacay wargeyska Daily Nation xilliga heshiiska ayaa ah muddo 25 sano ah iyadoo maandooriyaha xashiishadana sanadka oo dhan uu ka bixi karo dalka Kenya.

Hase yeeshee,dowlada kenya ayaa beenisay inay bixisay ruqsadaas, waxayna ka digtey in maandooriyaha xashiishada uu kamid yahay waxyaabaha ka mamnuuca ah in dalkeeda lagu beero.

Balse war ay soo saartay shirkadan ayaa lagu sheegay in si kumeelgaar ah loo siiyay fasax ayna ka heshay Wasaarada beeraha dalka Kenya.

Si kasta ha ahaaatee Shirkada ka dhisan dalka Maraykanka ayaa dooneysa in xashiishka ay ku beerto dalka Kenya ay u iibgeyso wadamada Canada iyo Maraykanka oo inta badan uu fasax ka yahay isitcmaalka maandooriyaha xashiishada iyadoo daawo iyo raaxeysiba loo isticmaalo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here