Dhamaan Rakaabkii Saarnaa Diyaarada Ethiopia Airline Ee Bur Burtey Oo Geeriyoodey+Wadamada Ay kasoo kala jeedaan

0
791

Dhamaan Rakaabkii Saarnaa Diyaarada Ethiopia Airline Ee Bur Burtey Oo Geeriyoodey+Wadamada Ay kasoo kala jeedaan

Sharikadda Diyaaradaha Ethiopian Airlines ayaa shaacisay liiska Waddamada ay ka soo kala jeedaan 157 qof oo ku dhintay shilka diyaaradeed.

Liiska dadka dhintay Waxaa hoggaamineysa Kenya oo ay uga dhinteen 32 qof, waaxaa ku xiga Canada oo ay uga dhinteen 18 qof.

Sharikadda waxaa ay sheegtay in hal qof uusan ka badbaadin diyaaraddaas oo ku sii jeeddau Nairobi kana duushay Adis ababa.

Dadka diyaarada ku dhintay waxaa kamid ah Cabdishakuur Shaatax oo ah Soomaali ka mid ahaa shaqaalaha qeybta hab maamuuska Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, sidoo kale waxaa ku dhintay Siraaje Huseen cabdi isagoo kamid ahaa duulimadka B737 ee shilka gashay,ninkan waa ree jarar gaar ahaan dagmad Awaare ee Ismaamulka Soomaalida.

Shirkada Ethiopian Airlines oo la rumeysan yahay inay tahay shirkadda ugu weyn ee diyaaradaha ee qaarada Afrika ayaa markii ugu dambeysay ay shil ku timaado ahayd sanadkii 2010kii.

Halkan Hoose ka Aqriso Wadamada ay ka soo Jeedeen dadka geeriyooday:

32 Kenyan 18 Canadian 9 Ethiopian 8 Chinese 8 Italian 8 American 7 French 7 British 6 Egyptian 5 Dutch 4 UN passports 4 Indian 3 Russian 2 Moroccan 2 Israeli 1 Belgian 1 Ugandan 1 Yemeni 1 Sudanese 1 Togolese 1 Mozambican 1 Norwegian.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here