Madaxweynaha Uganda oo ku hanjabay in Ciidamadiisa uu kala baxaayo Somaliya

0
810

Madaxweynaha Uganda oo ku hanjabay in Ciidamadiisa uu kala baxaayo Somaliya

Madaxweynaha dalka Uganda ayaa ku hanjabay inuu Ciidamadiisa kala baxaayo Somaliya, xilli Golaha ammaanka ay u soo jeediyeen in la dhimo tirada ciidamada Uganda ee Somaliya ka hawlgalo.

Mr Museveni ayaa sheegay in isaga uu si shakhsi ah Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ugu wargeliyay in 6,400 oo Askari oo ka jooga Soomaaliya uu dhamaantood la baxayo haddii Goluhu amro in Ciidanka Uganda la dhimo.

Arrintan ayaa ku soo aadday iyada oo dhawaan Madaxweynaha Burundi Pierre Nkurunziza, uu ku hanjabay in dhamaan Ciidankiisa uu la baxayo kaddib markii Golaha ammaanka ay amar ku bixiyeen in 1,000 Askari laga saaro Soomaaliya.

Illaa hadda waxaa la xaqiijiyay in 400 oo ka mid ah Askarta Burundi ka baxeen Soomaaliya halka 600 kale ay wali ku sugan yihiin.

Museveni ayaa yiri “Waxaa ay noo soo jeediyeen Golaha ammaanka in tirada ciidankeenna aan dhinno, laakiin waxaan u sheegay in aan dhimayo,laakiin aan soo saareyn hal Askari illaa aan dhamaantood soo saaro”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here