Qasaaraha dadkii ku dhintay weerarkii Maka Al-Mukarama oo kordhay iyo howlgalka oo wali Socda

0
660

Qasaaraha dadkii ku dhintay weerarkii Maka Al-Mukarama oo kordhay iyo howlgalka oo wali Socda

Ciidamada Amniga ayaa weli howlgalo ka wada dhismayaasha u dhow Hotelka Maka Al-Mukarama, halkaasoo weli laga maqlayo rasaas goos goos ah.

Ciidamada Booliska ee gaarka u tababaran ayaa weli la tacaalaya qaar ka mid ah dableydii hubeysneyd oo la soo sheegay inay rasaas ka soo ridayaan gudaha dhismaha ay galeen.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada ay gebi ahaanba hareeyeen dhismaha, iyagoo ku guuleystay inay soo badbaadiyaan dad ku go’doonsanaa.

Dhismaha howlgalka ka socdo ayaa ah guri dhowr dabaq ka kooban oo aad ciriiri u ah, taasoo la sheegay inay adkaatay in dableyda hubeysan oo gudaha dambe galay laga saari waayo.

Warar goor dhow soo baxayay ayaa sheegayay in howlgalka la soo afjaray, hase ahaatee waxaa mar dambe la maqlayay rasaas iyo qaraxyo.

Ciidamada Gaashaan ayaa la sheegay in goor dhow ay gaareen halka howlgalka ka socdo, iyadoo tan iyo xalay ay howlgalka wadeen Ciidamada Booliska oo kaliya

Khasaaraha ka dhashay qaraxyadii xalay ka dhacay Wadada Maka Al-Mukarama ayaa ah mid weli isa soo taraya, dhimashada ayaa la sheegay inay ka badan tahay 20 ruux, halka dhaawacuna uu cagacageynayo 50meeyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here