DEG DEG: Qarax xooggan oo goor dhow ka dhacay Wadada Maka Al Mukarama ee Muqdisho

0
760

DEG DEG: Qarax xooggan oo goor dhow ka dhacay Wadada Maka Al Mukarama ee Muqdisho

Qarax ayaa goor dhow ka dhacay Wadada mashquulka badan ee Maka Al Mukaramah ee magaalada Muqdisho, halkaasoo ay ku yaalaan Hoteelo iyo goobo ganacsi.

Wararka ayaa sheegaya in gaari qarax laga soo buuxiyay uu la dhacay nawaaxiga Maqaayadda Hilaac UK oo ku dhegan Hotel Maka Al-Mukarama, iyadoo la maqlay rasaas culus.

Qaraxa ayaa waxyeelo u geystay dhismayaal ku yaalla Hotelka maka almukarama iyo goobo ganacsi.

Ma cadda illaa iyo hada khasaaraha rasmiga ee qaraxa, inkastoo xilli habeen ay tahay, ayna dhici karto khasaare dhimasho iyo dhaawac inuu sababo qaraxa, maadaama goobta ay tahay meel aad u mashquul badan, ganacsigana ku xooggan yahay

Wixii ka soo kordha weerarkan kala soco Dalmarnews.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here