Banaanbax looga soo horjeedo Madaxweyne Butafliiqa oo ka socda magaalada Al-Jeris

0
667

Banaanbax looga soo horjeedo Madaxweyne Butafliiqa oo ka socda magaalada Al-Jeris

Waxaa wali banaanbaxyo xoogan ay wali ka socdaan magaalada Aljeris ee caasimada u ah dalka Al-Jeeriya kaasi oo looga soo horjeedo musharaxa u loolamaya doorashada ee doonaya in markii shanaad uu qabto xilka madaxtinimo.

Boqolaal ruux ayaa isniinta maanta ah markale isugu soo baxay magaalooyinka qaar iyadoo Axadii shalay uu Isku dhac uu ku dhexmaray faras magaalaha caasimada ciidamo ka tirsan booliska iyo dibadbaxaasha.

Madaxweyne Cabdul Caziiz Butafliiqa oo da,diisu ay tahay 82 sano ayaa isku sharaxay xilka madaxtinimo ee dalkan ku yaal waqooyiga Afrika.

Balse waxaa arintaan ka biyo diiday shacabka iyo siyaasiyiinta Mucaaradka ah ee dalka Al-Jeeriya.

Booliska ayaa dhanka kale ku goodiyay in talaabo waafaqsan sharciga ay ka qaadi doonaan 45 ruux oo shalay lagu soo qabtay banaanbaxii ka dhacay magaalada Al-Jeris.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here