Hal ruux oo ku geeriyooday qarax gaari lagu xiray oo ka dhacay Laami yaraha Zoobe

0
531

Hal ruux oo ku geeriyooday qarax gaari lagu xiray oo ka dhacay Laami yaraha Zoobe

Hal ruux oo ahaa wadihii gaariga ayaa ku dhintay kadib qarax lagu xiray gaari oo ka dhacay laami yaraha Zoobe ee Magaalada Muqdisho.

Gaarigaan oo ah nooca xabadda aysan karin, ayaa wararka waxa ay sheegayaan inuu leeyahay mid ka mid ah masuuliyiinta Dowladda Federalka Somaliya ka tirsan.

Lama oga meesha qaraxa looga xiray gaarigaan, balse Saraakiisha Ciidamada Booliska ayaa sheegaya inay wadaan baaritaanka ku aadan qaraxaasi.

Goobta qaraxa uu ka dhacay ayaa waxaa gaaray Ciidamada Booliska oo maydka marxuumka dhintay meesha ka qaaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here