Labo doon oo ay saarnaayeen inkabadan 130 ruux oo ku degey xeebaha dalka Jabuuti

0
751

Labo doon oo ay saarnaayeen inkabadan 130 ruux oo ku degey xeebaha dalka Jabuuti

Shan ruux ayaa ku geeriyootay inkabadan 130 kalana waa lagu la’ yahay xeebta dalka Jabuuti kadib markii labo doon oo ay saarnaayeen ay degeen maanta.Shilkan ayaa dhacay 30 daqiiqo kadib markii labo doon oo dad badan oo tahriibayaal ah ay saarnaayeen ay ka shiraacdeen Godoria oo ku taal xeebta Waqooyi Bari dalka Jabuuti.

Sida laga soo xigtey hay’ada IOM labo ruux oo ka soo badbaaday shilkan ayaa ciidamada dalka Jabuuti ka soo heleen xeebta, sidoo kale waxaa la helay meydadka illaa shan ruux oo saddex kamid ah ay ahaayeen dumar kuwaasoo baddu ay soo tuftay.

Mid kamid ah dadka ka badbaaday shilkan ayaa sheegay in ugu yaraan 130 ruux ay saarnaayeen doontii uu saarnaa balse uusan garaneyn tirada dadka saarnaa doonta kale ee degtay.

Waxaa socda dadaalo lagu doonayo in lagu helo raq iyo ruux dadka tahriibayaasha ah ee ay la degeen labadan doon,waxayna wararku sheegayaan in dadkan ay ku sii jeedeen dalka Yemen.

Si kasta ha ahaatee lama oga dadka ay labadan doon la degeen wadamada ay ka yimaadeen balse waxaa badanaa la ogyahay in inta badan dadka xeebaha Jabuuti ka raaca doomanka u socda dalka Yemen ay yihiin Soomaali iyo Ethiopian.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here