Dhaqtar Siiriyaan oo u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray qarax lagula eegtay Muqdisho

0
627

Dhaqtar Siiriyaan oo u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray qarax lagula eegtay Muqdisho

Waxaa goor dhow magaalada Muqdisho ku geeriyooday Dr. Muhanad Cali Axmed  oo u dhashay dalka Siiriya, kaasoo 21-kii bishan uu dhaawac ka soo gaaray qarax lagula eegtay degmada Hodan ee bartamaha magaalada Muqdisho.

Marxuumka ayaa labadii maalin ee la soo dhaafay waxaa xaaladiisa Caafimaad lagu dabiibayay Isbitaalka weyn ee Digfeer, inkastoo uu Maqribnimadii caawa u geeriyooday dhaawaca daran ee ka soo gaaray qaraxa.

Dr. Muhanad Cali Axmed  ayaa mudo sanado ah waxa uu ka howlgalayay Isbitaalka Muqdihso City ee ku yaala degmada Hodan, isagoo qaabilsanaa xanuunada ku dhaca Cunaha, Sanka iyo Afka (E.N.T).

Saraakiisha Caafimaadka ee Isbitaalkan ayaa sheegay in xaaladooda Caafimaad ay wanaagsan tahay Dhakhtar kale oo Siiriyaan ah iyo mid Soomaali ah, kuwaasoo la socday marxuumka geeriyooday, waxeyna sheegeen in Dr. Muhanad uu ahaa qofkii u danbeeyay ee gaariga ka soo daga markuu qarxayay.

Si kastaba, Dhakhaatiirtan ayaa xiliga la beegsanayay waxa ay ka yimaadeen garoon ay ku soo ciyaareen Kubbada Cagta, kaasoo ku yaala meel aan ka fogeyn Isbitaalka, waxaana gaariga ay saarnaayeen uu qarxay, xilli ay sii galayeen Xarunta Isbitaalka.

Ma jirto cid sheegatay Mas’uuliyada qaraxa, iyadoo laamaha amniga ee dowladdana aysan wali ka hadalin iyo hadii ay jiraan baaritaano ay sameeyeen qaraxa kaddib.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here