Maamulka Gobolka Banaadir oo bilaabay tirakoobka Shaqaalaha Gobolka

0
562

Maamulka Gobolka Banaadir oo bilaabay tirakoobka Shaqaalaha Gobolka

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa bilaabay tirakoobka Shaqaalaha Dowladda hoose ee Gobolka Banaadir oo aan la ogeyn tiro ahaan inta ay la eeg yihiin.

Duqa Muqdisho ahna Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa sheegay in ujeedka ugu muhiimsan ee tirakoobka shaqaalaha Dawladda Hoose ay tahay sidii la iskugu xiri lahaa nidaamka shaqaale ee Dawladda dhexe iyo kan Maamulka, si meesha looga saaro dadka labada meelood ka shaqeeya.

Gudoomiyaha ayaa tilmaamay in Maamulka Gobolka Banaadir uu in muddo ah ku howllanaa sidii shaqaalaha Dawladda Hoose u shaqeeya lagu diiwaangelin lahaa, iyadoo howshan ay iska kaashanayaan Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha iyo Wasaaradda Maaliyadda.

Duqa Muqdisho ayaa warbixin ka siiyay Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha Mudane Saalax Axmed Jaamac nidaamka shaqaaleysiinta Gobolka Banaadir iyo habraaciisa, isagoo xusay in labada dhinac ay iska-kaashan doonaan sidii loo kordhin lahaa tayada iyo xirfaha shaqaalaha .

Sidoo kale Guddoomiye Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan waxuu sheegay in natiijada ka soo baxaysa tirakoobkan ay wax badan ka badali-doonto xaaladda dhabta ah ee shaqaalaha, isla markaana ay arrintani ahmiyad weyn u leedahay in la helo shaqaale tiro yar oo tayo badan.

Waa markii ugu horeysay oo tirakoob lagu sameeyo Shaqaalaha Maamulka Gobolka Banaadir oo ka hawlgala dhamaan Degmooyinka Gobolka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here