Ciidamada Nigeria oo weerar ku qaaday xarun wargeys

0
563

Ciidamada Nigeria oo weerar ku qaaday xarun wargeys

Ciidamada dalka Nigeria ayaa weerar ku qaaday xafiiska wargeys gaar loo leeyahay oo la yiraahdo Daily Trust halkaas oo ay ka qaateen Koompiitaradii uu howlgalayay.

Waxaa la xiray qaar kamid ah shaqaalaha wargeyska ee ka howlgalayay xafiiska ugu weyn ee ku yaalla magaalada waqooyiga bari ku taalla ee Maiduguri, halkaas oo ah deegannada ay ku xoogan yihiin ururka Booko Xaraam.

Daily Trust ayaa Axaddii warbixiintii ugu horreysay uu kusoo daabacay wargeyska aheyd diyaargarowga militariga ay ku qabsanayaan deeganno hor leh.

Ciidamada Nigeria ayaa beeniyay in dhul badan ay ka qabsadeen kooxda Booko Xaraam.

Ciidamada kama aysan hadlin sababta loogu duulay xarunta wargeyska.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here