Dhinacyada ku dagaalamaya Yamen oo gaaray heshiis xabad joojin ah

0
469

Dhinacyada ku dagaalamaya Yamen oo gaaray heshiis xabad joojin ah

Dhinacyada ku dagaalamaya dalka yemen ayaa ku heshiiyay in xabad joojin laga sameeyo magaalada dekedda ee Xudayda.

Heshiiskaan oo ay Qaramada Midoobay dhex-dhexaadinaysay ayaa waxa uu ka dhacay dalka Sweden.

Xogahaya guud ee Qarama midoobay Antonio Guterres ayaa sheegay in uu rajaynayo in heshiiskaan uu soo afjaro dagaalka dalka Yemen ka socda ku dhawaadda afar sano.

Dagaalka yemen waxaa lagu dilay kumanaan qof, iyadoo uu dalka noqday kan daran dunida ee ay ka jirto xaalad bini’aadanimo.

Hogaamiyeyaasha wefdiyada ka socda dawladda Yemen iyo mucaaradka Xutiyiinta, kuwaas oo maamulo inta badan dalka, ayaa gacmaha isqabsaday kadib uu dhacay heshiiska xabad joojinta.

Side ayay u shaqeeynaysaa xabad joojinta?

Dhamaan xoogagga Xutiyiinta iyo isbahaysiga taageera dawladda Yemen ayaa laga saari doonaa magaalada Xudaydah maalmaha oo socda, kadibna waxaa lagu bedeli doonaa ciidamo ka socda Qaramada Midoobay.

Ciidamada Xutiyiinta ayaa waxaa sidoo kale laga saari doonaa dekedaha Saleef iyo Ras Isa.

Markaa ka dib Qaramada Midoobay ayaa la wareegi doonto maamulka dekedaha taas oo ka gacan ka geeysan doonto sidii shacabka tabaaleeysan loo gaarisan gargaar bini’aadanimo. Ayuu Mr Guterres yiri.

Maxaa kaloo lagu heshiiyay?

Waxaa kaloo heshiis wada jir ah laga gaaray caasimadda Saddexaad ee Ticis, halkaas oo uu ka dhacayay dagaal cuslus, inkastoo faaf-faahin dheerad aan laga bixin.

Weli wax heshiis ah lagama gaarin xabad joojin ka hirgasha dhamaan qeeybaha waddanka, oo ay ka mid tahay magaalo madaxda dalka ee Sanca, oo ay maamulaan Xutiyiinta.

Mr Guterres ayaa sheegay in uu rajaynayo in toddobaad guduhiis heshiis laga gaaro sidii dib loogu furi lahaa gegida diyaaradaha ee magaalada Sanca.

Waxa uu yiri wada hadal kale oo diiradda lagu saari doono qodobo kale ayaa waxaa uu dhici doonaa dhamaad bisha Janaayo ee foodda inagu soo haysa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here