Madaxweynaha Eritrea iyo Wafdi uu Hogaaminayo oo goordhaw soo gaaray Muqdisho+SAWIRO

0
611

Madaxweynaha Eritrea iyo Wafdi uu Hogaaminayo oo goordhaw soo gaaray Muqdisho+SAWIRO

Waxaa goordhaw garoonka diyaaradaha Caalamiga ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho soo gaaray Madaxweynaha dalka Eritrea Isaias Afwerki  iyo wafdi balaaran uu hogaaminayo.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo masuuliyiin kale oo dowlada katirsan ayaa garoonka Aadan Cadde kusoo dhaweeyay Madaxweynaha dowlada Eritrea iyo wafdiga la socday.

Isaias Afwerki ayaa la filayaa in magaalada Muqdisho ku joogo booqasho labo maalin qaadaneysa, waxaana inta uu magaalada Muqdisho joogo la kulmi doonaa Madaxweyne Farmaajo iyo masuuliyiin kale.

Madaxweynaha dalka Eritrea ayaa Soomaaliya ku yimid casuumad gaar ah uu ka helay Madaxweynaha Soomaaliya, waxaana la filayaa in labada Madaxweye kawada hadlaan arimo dhowr ah oo ugu horeeyo xoojinta xiriirka labada wadan.

Booqashadan maanta Madaxweynaha dalka Eritrea ku yimid magaalada Muqdisho ayaa dabo sacoto booqasho bilooyin kahor Madaxweynaha Soomaaliya ku tagay magaalada Asmara ee caasimada dalka Eritrea.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here