Madaxda Maamul goboleedyada oo taageeray Mooshinka laga keenay Madaxweyne Farmaajo

0
523

Madaxda Maamul goboleedyada oo taageeray Mooshinka laga keenay Madaxweyne Farmaajo

Golaha Iskaashiga Maamul goboleedyada oo ay ku soo hareen saddex maamul ayaa soo dhoweeyay mooshinka laga geeyay Madaxweyne Farmaajo ee uu aqbalay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal.

Qoraal ka soo baxay Golaha Iskaashiga Maamul goboleedyada ayaa lagu sheegay inay walaac ka qabaan xaalada siyaasadeed ee dalka oo sii cakirmeysa, kana soo dareysay bilihii u dambeeyay.

Maamul goboleedyada ayaa sheegay inay soo dhoweynayaan go’aanka dastuuriga ee Baarlamaanka uga gilgisheen siyaasadda Madaxweyne Farmaajo, taasoo sababtay khal khal gelin siyaasadeed oo ku aadan dowlad goboleedyada.

Halkan hoose ka akhriso war saxaafadeedka:-

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here