Dhaxal sugaha sacuudiga oo ka codsaday Madaxweyne Erdogan in uu la Kulmo

0
859

Dhaxal sugaha sacuudiga oo ka codsaday Madaxweyne Erdogan in uu la Kulmo

Dhaxal sugaha boqortooyada sacuudiga Maxamed Bin salmaan ayaa ka codsaday madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan in uu la kulmo inta la gudo Jiro shirka soo socda ee mudada 2 maalin ah ay wadamada G20-ga ku yeelan doonaan dalka Argentine.

Wasiirka arimaha dibeda Turkiga Mevlut Cavusoglu ayaa xaqiijiyay arintaan waxaana uu intaa raaciyay in madaxweynaha uu ku jawaabay in ay arki doonaan sida xaalada ay noqoto.

Hadalkaan ayuu ka sheegay Mr Cavusoglu ,kadib wareysi uu siiyay majalada maalinlaha ah ee Sueddeutsche Zeitung oo ka baxda Jarmalka.

Waxaa uu sheegay in waqtigaan aysan jirin sabab daruuri ah oo mr Erdogan kula kulmo dhaxal sugaha sacuudiga Maxamed Bin salmaan.

Labadan hogaamiye ayaa ku kulmi doona magaalada caasimada ah ee Buenos Aires, oo shir ka wadamada G20-ga uu ka dhacayo 30 November ilaa 1-da bisha December.

Xiriirka Turkiga iyo sacuudiga ayaa xumaaday kadib dilkii magaalada Istanbul 2-dii bishii October loogu geestay wariye Jamal Khashoggi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here