Aqalka Sare oo goaan ka soo saaray Khilaafka dowladda iyo Maamul Goboledyada

0
635

Aqalka Sare oo goaan ka soo saaray Khilaafka dowladda iyo Maamul Goboledyada

Guddigii aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah u xil saaray khilaafka dowladda federaalka ah iyo maamullada xubnaha ka ah ayaa soo saaray qoraal dheer oo inta badan ay xoogga ku saareen kaalinta hey’adaha dowladda dhexe iyo kuwa dowlad goboleedyada mid weliba uu leeyahay iyo sida ay muhiimka u tahay in la isku xushmeeyo adeegga cid weliba qaranka u heyso. Guddiga waxaa uu soo saaray go’aan qeyb ka ah xalka iyaga oo sidoo kale sheegay inay daba-socon-doonaa hirgelinta go’aanka.

Guddiga aqalka sare ee wada-xaajoodka xal-u-raadinta khilaafka u dhaxeeya xukuumadda DFS iyo DXDF waxaa ay soo gudbiyeen 8 cabasho oo ay ka mideysan yihiin dhammaan dowlad goboleedyada iyo 4 mid weliba gaar u dooneyso in wax laga qabto, kuwaas oo la doonayo inay wax ka qabato xukuumadda federaalka ah.

Cabashooyinka ay Siman Yihiin Maamul Goboleedyada:

1. Dedejinta dhameystirka dastuurka federaalka.

2. Ka howlgelidda dhismaha  ciidama qaranka iyo sugidda amniga.

3. Dhismaha guddiga garsoorka qaranka iyo dib u habeynta gatsoorka.

4. Ka howlgelidda dib u heshiisiinta iyo midnimada qaranka.

5. Ka heshiinta qaab dooarashada guud ee 2021-ka iyo dhismaha axsaabta.

6. Xoojinta nidaamka federaleynta, siyaasad ahaan iyo dhaqaale ahaan.

7. Mideynta qorshaha qaranka sida wax qeybsig mashaariicda iyo dhaqaalaha, iyada oo dowladda dhexe ay yeelaneyso go’aaminta meelaha ku habon, ka hirgelinta kabeyaasha dhaqaalaha iyo bulsho heer qaran

8. Faragelin la’aanta doorashooyinka DXDF iyo kuwa dowladda dhexe

Cabashooyinka u gaar ah dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka ah

Puntland: Taageeridda ciidamada xoogga dalka(SNA), qeybta Puntland xagga mushaarooyinka, tababarrada iyo agabka.

Jubbaland: Taageeridda ciidamada daraawiishta ee Jubbaland, tayeytooda iyo kala howl-gelidda amniga guud ee Jubbaland.

Koonfur Galbeed: kala shaqeynta sugidda amniga gaar ahaan Muqdisho-Baydhabo.

Galmudug: La dhisidda ciidanka maamul Galamudug iyo la xoreynta dagaannada ay amni-darrida ku hayaan Al-shabaab

Ugu dambeyntii, Guddiga waxaa ay xukuumadda federaalka ah u soo-jeediyeen fulinta qodobada kor ku xusan, oo ah 8 qodob oo guud iyo 4 midba gooni u yahay maamul, oo ah nuxurka tabashooyinka

Go’aanka waxaa lagu saleeyey tabashooyin u dhaxeeya hey’ado isku dowlad ah oo leh shakhsiyad sharci, si waafaqsan dastuurka kmg ee Soomaaliya, kaas oo ku soco-la’aantiisa ay waxyeello u geysaneyso qabashadii adeegyada ay dadka iyo dalka u hayaan hey’adaha dowliga ah ee dowladda dhexe iyo kuwa dowlad goboleedyada.

Guddiga waxaa uu sidoo kale go’aankiisa ku saleeyey heerka dowlad goboleedyada ay mas’uuliyadoodu tahay fulinta adeegyada dadka u baahanyihiin meelaha ka baxsan caasimadda iyo mas’uuliyadda dowladda dhexe ee “u taagnaanta iyo matalaadda qarannimada Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here