80 kun oo Dalxiisayaal u dhashay Shiinaha oo booqday Kenya

0
44

80 kun oo Dalxiisayaal u dhashay Shiinaha oo booqday Kenya

Dalka Kenya waxa uu sanadkii tagay 2024 diiwaangeliyay in ay soo booqdeen dalxiisayaashii ugu badnaa ee ka socda Dalka Shiinaha ee waddankaas tagay, tirada diiwaanka la geliyay waa 80,000 oo ruux oo 99% boqolkiisa u gudbay Keymaha duurjoogta lagu hayo.

Xoghayaha guud ee Wasaaradda Dalxiiska & Deegaanka Kenya John Ololtuaa ayaa Wakaaladda Wararka Xinhua u sheegay in dalxiisayaashii ugu badnaa ee dalkiisa tagay ay kasoo jeedaan Qaaradda Aasiya gaar ahaan Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha.

John ayaa tilmaamay in sanadkii 2023 ay soo dhaweeyeen dad gaaraya 51,000 oo ruux, kororka Dadka ayuu ku sifeeyay in ay fahmeen deegaanka wacan ee dhulka keymaha ku yaalla oo si sare looga shaqeeyay sida uu hadalka u dhigay.

Kenya ayaa albaabada u furtay Dalxiisayaasha iyo Dadka Maalgashiga doonaya in ay ku sameystaan si ay dhaqaale badan uga hesho isla markaana shaqo abuur ugu noqoto muwaadiniin la dhibaateysan kasoo kabashada xaaladaha adag.

Daraasad baaris ah oo lagu sameeyay dakhliga Kenya kasoo galay Dalxiisayaashaas in uu gaarayo ayaa lagu sheegay in ay tahay 2.4 Milyan oo Shilinka Dalkaas ah oo u dhiganta 18.5 Milyan oo Doollar, lacagtaas ayaa loo adeegsan doonnaa horumarka Dalka.