2023 waxaa sii kordhay Qaxootiga naftooda kala baxsanaya Dagaallada & dhibaatooyin kale ee Dalalkooda ka jira.
Maanta waxaa dunida laga maamuusayaa maalinta loo gaarka yeelay ‘Qaxootiga Adduunka’ oo sanad weliba marka la gaaro 20ka June lasoo bandhigo dhibaatooyinka ay la kulmaan Dad aanay ku nooleen waddan aanay ahayn Dalkooda, Tirada la diiwaangeliyay & sababta keentay in ay isaga tagaan dalalkooda.
Warbixinnada Qaramada Midoobay waxa aan si gaar ah uga soo qaadaneynaa Qaxootiga Soomaaliyeed ee Dalalka kala duwan gaaray iyo Ajaanibta kale ee Qaxooti ahaan usoo galay Dalka inaga oo ka eegi doonno dhinacyo kala duwan.
Qaramada Midoobay ayaa sanadkaan 2023 ee kala barka noqday diiwaangelisay Qaxooti badan oo gaaray Xeryaha ku yaalla Kenya oo tan iyo 1991 martigelinayay Dad badan oo ka tallaabay Xadka Soomaaliya uu la wadaago Dalkaas.
Hay’adda UNHCR ayaa sheegtay in xeryo cusub dib u dejin loogu sameeyay Qoysas kasoo barakacay Abaarta, Colaadda iyo dhibaatooyinka kale ee Soomaaliya ka dhacay Dhammaadkii sanadkii 2022 illaa 2023.
Qaramada Midoobay ayaa rejo ka qabta in ay xal u hesho sidii ay dadkaas u heli lahaayeen Raashin, Biyo iyo daryeel caafimaad oo degdeg ah si dib u dejintooda ay u noqoto mid kahor-tageysa halista muuqata ee ay wajahayaan.
Xogahayaha guud ee Qaramada Midoobay ee Antonio Guterres oo Soomaaliya soo gaaray 11kii April 2023 ayaa diiradda saaray xaaladda Bani aadamnimo ee Dalka isaga oo safar uu ugu kuurgalay arrintaan ku tegay Magaalada Baydhabo Xarunta KMG ah ee DG Koofur Galbeed.
Waxa uu xiligaas Guterres oo ka xog-warramay xaaladda Soomaaliya uu sheegay in Qaramada Midoobay bixin doonto jawaab degdeg ah oo gargaarka bani aadamnimo la xiriira si loo gacan-qabto Barakacayaasha Gudaha, inkaas kaddib waxa uu tegay Xeryaha Qaxootiga Soomaalida ay ku nool yihiin ee Dhadhaab.
Soomaaliya waxaa ku sugan Qaxooti badan oo dhalashoodu u badan tahay Dalalka Yemen & Suuriya kuwaas oo dhibaatooyinka iyo colaadaha ka jira Dalalkooda ka doorbiday in ay ku noolaadaan Soomaaliya.
Tira-sugan lagama diiwaangelin qaxootigaan, Magaalada Muqdisho waxaa ku nool Qaxooti u dhashay Dalalka Yemen iyo Suuriya kuwaas oo qaarkood xirfadahooda ku shaqeysta halka qaar kale ay dawarsadaan dadka wax heysta.
Colaadda Suudaan ee u dhaxeysa Ciidamada Gen. Cabdifitaax Burhan iyo Gen. Maxamed Daqlo waxa ay sal kicisay Muwaadiniin & Ajaaniib Soomaali ay qayb ka tahay kuwaas oo qaarkood dib ugu laabtay waddamadooda halka qaar kale ay ku nool dalalka deriska la ah Jamhuuriyadda Suudaan.