11 Caruur Ah Iyo Macalinkoodii Oo Ku Dhintay Duqeyn Lala Beegsaday Dugsi Qur’aan

0
338

11 Caruur Ah Iyo Macalinkoodii Oo Ku Dhintay Duqeyn Lala Beegsaday Dugsi Qur’aan

Ugu yaraan 12 qof oo rayid ah ayaa lagu dilay duqeyn dhanka cirka ah oo lala beegsaday Dugsi lagu barto diinta oo kuyaala gobolka Takhar ee waqooyiga Afghanistan, sida ay sheegeen saraakiisha deegaanka.

Waxay sheegeen in duqeyntu ay ka dhacday dugsi Qura’aan oo ku yaalla tuulada Hazara Qurluq ayna ku dhinteen 11 caruur ah iyo macalinkoodii.

Dowladda Afghanistan sheegtay inay ku dishay aaga duqeyntu ka dhacday 12 dagaalyahan oo ka tirsan Taalibaan.

Duqeyntan ayaa timid kadib markii in ka badan 30 xubnood oo ka tirsan ciidamada amniga lagu dilay weerar gaadmo ah oo ay Taalibaan ku qaadeen gobolka.

Saraakiisha gudaha ayaa sheegaya in 14 kale ay ku dhaawacmeen duqeynta dhanka cirka ah ee halkaa ka dhacday Arbacadii a. Imaamka masaajid ku yaalla Tuuladaas oo lagu magacaabo Cabdul Awal, oo kamid ahaa dhaawacyada lana dhigay isbitaal, ayaa BBC-da u sheegay in isaga iyo caruur oo kaliya ay kujireen masjidka xiligii duqeynta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here