10-ka Cunno ee Sababa cudurka Kansarka

0
776

10-ka Cunno ee Sababa cudurka Kansarka

Jirka bani’aadamku wuxuu Ilaahey u sameeyey qaab uu cunta kasta ku qaato inuu siyaaba kala duwan u isticmaalo, cuntooyinka inta badan la shiilo ayaa ah kuwa aan caafimaadkeenna ku wanaagsaneen.

Waxaanna halista cuntooyinka gaar ahanna kuwa la shiilo sii kordhineyso sokorta, milixda iyo dufanka maadaamaa ay dheefshiidka cadaadis badan ku abuurayaan.

Markasta oo shiilitaanka cunnooyinka aan qaadanno uu cadaadis kala kulmo jirkeennana taasoo keeneyso iney jirkeenna uu u nuglaado inuu ku dhaco cudurka halista ee Kaansarka.

Haddaba 10-ka cunto ee la sheegay iney sbabaan cudurka Kaansarka halkaan ka akhriso:

1. Hilibka cas/jiirka ah ee la dubo

Hilib cas oo l adubayoLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES

Dhakhaatiirta iyo Khubarada caafimaadka waxay ku talinyaan si aan uga badbaadno halista cudurka kansarka inaan iska yareyno hilibka jiirka ah ee aan isticmaaleyno.

Hilibka cas ama jiirta ah ee ay baruurta la socoto haddii aan toddobaadki mar cunno waxaa yaraaneysa khatarta cudurka ee qofka soo wajihi lahayd.

Waxay sida oo kale ku talinayaan si hilibka uu kuugu macaanaado xawaajka iyo waxyaabaha kale ee lagu macaaneeya oo ay cusbada kow ka tahay inaan iska yareeyno.

2. Sharaabka warshadeysan

Sharaabka warshadeysan sida Kookada, Mirindaha, Pepsi, Sprite, 7Up iyo wixi la mid ah waxaa ku badan sokorta, sida oo kalana waxaa laga sameeyaa maadda la isku daray oo biya lagu qasay kaddibna la warshadeeyey.

Shraabka noocaasi oo warshadaha soo marana jirkaaga waxay ku abauuraan dhibaato aad u weyn, waxaaba mararka qaar dhacday hal nooc oo sharaabka oo xidhan oo aan maalinka cabta inuu jirkaaga uu aad ugu dhiboonaya sokorti faraha badneyd ee ka soo gashay.

Waxayna si aad ah u kiciyaan Sokorta jirka. Sharaabka kasta waxaa ku jira riinjiga caramel oo lagu midabbeeyo rinjigaasi oo ah mid aan dabiici ahayn oo laga sameeyey keemikaalka loo yaqaanno carcinogenic, waxaya dhakhaatiirtu ku tlinayaan halka aad cabbi lahayd sharaab xiran oo warshad soo maray cab biya nadiif ah oo aan waxba kuu dhimeyn.

3. Cunnooyinka sajilan gaar ahaan yaanyada

Cunooyinka qasacadeysan ee warshadaha soo mara waxaa ku jirto cusbo aad u badan oo haddii ay cusbo badan ku jiri lahayn ay adkaan lahayd in wakhti kaddib la isticmaalo.

Sharaabka kala duwan ee la cabbana sida oo kale waxaa la socoto sokor aad u badan, gaar ahaanna sokor aan dabiici ahayn oo iyduba markeedi hore soo martay warshad taasoo sii hurineyso halista inuu qofka cunnooyinkaasi Kansarka qaado.

Keemikaalka lagu daro cunnooyinka la Sajila waxaa ka mid ah BPA, Maaddada BPA waxay xiriir toos ah la leedahay cudurka dilaaga ee Kansarka inuu abuurmo.

Gaar ahaanna cunnooyinka asalkoodaba dhanaan ama aashitada ay ku jirta sida Yaanyada oo kale xaaladda weyba ka sii daran tahay.

4. Saloolka/Daangada korontada lagu kariyo

Salool/DaangaLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES

Guud ahaan Saloolka waa cunto fudud oo caafimaad qabta. Balse dhibaatada waxay tahay marka aad cunto Daanga/Salool lagu soo kariyey Koronta (Microwave) ayaa keeneysa cudurka Kaansarka. Markasta oo lagu daro waxyaabaha macaaneeya waxaa ka abuurmaya maaddada diacetyl oo sun ah qofkana Kansar u horseeddo.

Bacaha marka daangada la dubayo lagu shubo ama lagu duubo laftooda waxaa la socoto maddada PFOA oo iyaduna keenta cudurka Kansarka.

Sida ugu wanaagsan ee caafimaadka qabta oo halista Kansarka looga badbaadi karo ayaa waxay tahay inaad iibsato sabuulka/xasiidda dhuxusha lagu bisleeyey ama aad adigu isaga bisleeyso qaab kale oo ay hawad ku mari karto.

5. Saliidda Warshadeysa

Saliidda warshadeysanLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES

Saliid kasta oo warshad soo marto ma aha sidi ay asal ahan ahayd maxaa yeelay si ay u xumaanin waxaa lagu daraa nooc Kimikaal ah.

Tusaala ahaan waxaa u soo qaadan karnaa saliidda khudaarta noocyadeeda laga sameeyo asal ahaan wey fcn tahay laakiin marka warshadd la soo mariyo oo kimikaal iyo midab aan dabiici ahaynba lagu daro ayay xaaladdeeda caafimaad darro ee ay keento iyo halista kansarkaba uu sii kordhayaa.

Saliidda markaad korka ka fiiriso wey qurux badan tahay oo uma eka mid caafimaadka waxyeello u geysaneyso.

Saliidaha caafimaadka u wanaagsan ee ay dhakhaatiirta cafimaadka in la isticmaao saliidaha dabiiciga ah ee laga sameeyo Saliid seytuun.

6. Macaanka aan dabiiciga ahayn

Dadka qaar waxay sokor ahaan u isticmaalaan macaanka ama sokorta aan dabiiciga ahayn balse sokortan lafteeda ma aha mid caafimaad ahaan u wanaagsan.

Waxay jirkaaga ku sameynayaan inuu garan wayo tamarti uu maalintaa u baahnaa inuu helay iyo inkale maadaamaa ay dabiici ahayn.

Haddii ay maaddada Aspartame ay ku jirtana halistooda wey sii badnayasaa oo waxaa ka abuurmay sun caafimaadka halis u ah oo keenta cudurka Kansarka.

Cudurka kaansarka waxa u dheer waxay sokorta aan dabiiciga ahayn keenan iney maskaxd buro ku sameeysanto buradaasi oo marki dambe Kaansar iisu beddesho.

7. Kalluunka warshadeysan

Kalluunka warshadeysanLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES

Kalluunka dabiciga ah wuxuu leeyahay faa’idooyin caafimaad oo aad u badan. Kalluunkuna wuxuu ka mid yahay cuntooyinka ugu caafimaadka badan ee aan lahayn dufun wax u dhimeyso caafimaadka qofka.

Balse kalluunka wuxuu caafimaadka halis ku noqonayaa oo Kaansarka laga qaadaa ayey leeyihiin khubarada darasadda sameeysay marka la warshadeeyo oo cusbo iyo maaddooyin kale lagu daray.

Kalluunka marka la warshadeeyo waxaa ka abuuranta sun halis ah, PCB iyo Mercury oo intuba keena cudurka Kaansarka.

Marka haddaad kalluun isticmaaleyso isticmaal oo keli ah kalluun dabiiciga ah.

8. Khudaarta bacraminta ku baxday

khudaarLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES

Khudaarta waxay ka mid tahay cuntooyinka ilaahey uu abuuray kuwooda ugu caafimaadka badan waxayna khudaarta caafimaadkeeda wanaagsan yahay marka ay si caadi ah u baxdo.

Balse marka bacramin iyo dawooyin kale lagu daro ayay halista khudaartaasi badaneysaa inkastoo ay jiraan habab bad-qabkooda wanaagsanyahay oo khudradda lagu bacramiyo balse nasiib darro aad bay qaali u yihiin oo dadka isticmaalo aad uma badna.

9. Qamadiga warshadda iyo marxaladaha kale ee soo mara

Burka marxaladaha kala duwan maroLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES

Qamadiga waa uu kuu wanaagsanyahay waana muhiim in uu ka qeeyb noqdo cunnadaada balse marka uu soo maro warshadda oo bur ama daqiiq loo baddelo waxaa ka baxaya vitamin-da. Marka taas laga soo tago burka waxaa lagu qasaa gaaska koloriinka ah si midabkiisa caddaan looga dhigo taasi burka ka dhigeeysa mid aan nadiif ahayn oo sumeeysan. Waxayna jirkaaga ka sameeyneeysaa meelo u jilicsan Kansarka sidaas darteed waxaad markasta ku dadaashaa in akhriso burka aad iibsaneeyso waxaadna qaadataa kan aan midabkiisa la cadeyn.

10. Hilika warshadaysan

hilibLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES

Hilibka la warshadeeyo ayaa inta badan sahla khatarta cudurka Kansarka. Muuqaal iyo dhadhan ahaan waa ay wanaagsanyihiin, waxa ayna yaali karaan muddo dheer balse xaqiiqatan cunnadaan ayaan marnaba u wanaagsanyn jirkaaga. cunidda hilibka ee maalinkasta ayaa waxa ay kordhineeysa khatarta ah in uu Kansar kuugu dhaco.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here