ššššš±š°šš²š§šš”š ššš¦š”š®š®š«š¢š²šššš ššØš¦šš„š¢š„šš§š šØšØ ššššš„š¦šš«š¢š§šš ššš«šš§š¤š šš®šššØšØš§š¬š¢š¢š²šš² šš«ššš²šš¢š¢ š¤š® šš®š®š„šš²š¬ššš² ššš„-ššš®š®š«š¤š ššš-š š ššØš¦šš„š¢š„šš§š
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa maanta guddoonsiiyey Abaalmarinta Qaranka ee Hal-abuurka Teknoolajiyadda ICT-ga ardaydii tartamayaasha ahaa ee ku guulaystay sannadka 2025-ka, kuwaasi oo soo bandhigay fikrado iyo hal-abuur cusub oo la xidhiidha aqoonta casriga ah ee ICT-ga.
Ugu horrayn, Madaxweynaha ayaa hambalyeeyey ardayda reer Somaliland ee ka socotay Jaamacadda Camuud iyo Macallimiintooda oo ku guulaystay kaalinta koowaad Abaal-marinta Qaran ee Hal-abuurka ICT-ga.
Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu bogaadiyey Ardayda iyo Macallimiintooda ku guulaystay kaalmaha 2-aad iyo 3-aad ee Tartanka Hal-abuurka Teknoolajiyadda oo ka socday Jaamacadaha Golis iyo Hargeysa, isaga oo sheegay in Guushooda ay tahay Guusha Jamhuuriyadda Somaliland.
Madaxweynuhu waxa uu sheegay in arrintani ay daliil cad u tahay in dhallinyaradeennu ay yihiin hantida ugu qaalisan ee uu leeyahay Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.
Sida oo kale, Madaxweynuhu waxa uu sheegay in mustaqbalka horumarka Jamhuuriyadda Somaliland uu si weyn ugu xidhan yahay Hal-abuurka iyo Aqoonta Jiilka cusub, kuwaasi oo door muuqda ka qaadan kara dhisidda Dhaqaalaha Dijitalka ah, hal-abuurka ganacsi iyo adeegyada bulshada.
Madaxweynuhu waxa uu sheegay in aragtida uu MADAXWEYNE AHAAN ka leeyahay Barnaamijkan ay tahay in Jamhuuriyadda Somaliland ay noqoto dal uu hal-abuurkeedu ku dhisan yahay aqoon iyo afkaar Tiknoolajiyadeed oo casri ah oo kor u qaada adeegyada ay Dawladdu bixiso, ganacsiga iyo nolosha bulshada oo ay Tiknoolajiyaddu haatan ku leedahay saamayn weyn.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa sheegay in ay Xukuumaddiisu sii wadi doonto maal-gelinta iyo dhiirrigelinta Hal-abuurka dhallinyarada ee Tiknoolajiyadda Casriga ah, si loo abuuro Jiil Cusub oo awood iyo aqoon durugsan u leh in uu uu dalkeena u horseedo horumar xagga Dhijitalka ah oo la isu hallayn karo.
Waxa xusid mudan in Carwada Teknoolajiyadda, Shir-weynaha 7-aad iyo Tartanka Hal-abuurka Teknoolajiyadda Somaliland ay si aad u qiimo badan u soo diyaarisay Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Teknoolajiyadda Jamhuuriyadda Somaliland, iyada oo kaashanaysa Shirkadaha waaweyn ee Isgaadhsiinta, iyo daneeyeyaasha hayaanka Tiknoolajiyadda Casriga ah.
























