𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐃𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐫𝐨𝐨𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐠𝐭𝐚 𝐞𝐞 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐆𝐚𝐛𝐢𝐥𝐞𝐲

0
49

𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐃𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐫𝐨𝐨𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐠𝐭𝐚 𝐞𝐞 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐆𝐚𝐛𝐢𝐥𝐞𝐲

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo weftigii ballaadhnaa ee uu hogaaminaayey oo ku gudo jira maalintiisii 2-aad ee Safarka shaqo ee magaalada Gabiley,

ayaa maanta Dhagax-dhigay Garoonka Kubadda Cagta ee magaalada Gabiley, kaasi oo noqon doona garoon casri ah oo lagu qabto cayaaraha heer qaran iyo kuwo heer gobolba ah.

 

Madaxweynaha oo hadal ka jeediyey munaasibadda Dhagax-dhigga Garoonka ayaa xusay in ciyaaruhu yihiin awood mideeya bulshada, kobciya caafimaadka, dhiirrigeliya kartida dhallinyarada, isla markaana dhisa isdhexgalka iyo waddaniyadda ummadda JSL.

 

Bulshada magaalada Gabiley ayaa si diirran u soo dhaweeyey mashruucan, kuna tilmaamay mid waxtar u leh Dhalinyarada korna u qaadaysa magaca iyo sumcadda Gobolka Gabiley.