๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐‰๐š๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ค๐š ๐๐š๐ฒ๐›-๐ ๐š๐ฅ๐š๐ฒ ๐…๐ฎ๐ซ๐ข๐ญ๐š๐š๐ง๐ค๐š ๐๐ข๐ฒ๐จ-๐ฑ๐ข๐๐ก๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐Š๐š๐ฅ๐ช๐จ๐ซ๐š๐ฒ

0
44

๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐‰๐š๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ค๐š ๐๐š๐ฒ๐›-๐ ๐š๐ฅ๐š๐ฒ ๐…๐ฎ๐ซ๐ข๐ญ๐š๐š๐ง๐ค๐š ๐๐ข๐ฒ๐จ-๐ฑ๐ข๐๐ก๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐Š๐š๐ฅ๐ช๐จ๐ซ๐š๐ฒ

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa maanta ka qayb-galay Xafladda Xadhig-jarka Biyo-xidheenka weyn ee Kalqoray, woqooyiga Hargeysa.

Biyo-xidheenkan oo ah kii ugu weynaa ee laga hirgeliyo dalka Somaliland ayaa qaadaya biyo muggoodu yahay ๐Ÿ.๐Ÿ– ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง ๐‚๐ฎ๐›๐ข๐œ ๐Œ๐ž๐ญ๐ž๐ซ๐ฌ, oo u dhiganta 9 Milyan oo foosto. Biyo-xidheenkan waxa gebi ahaanba maalgelisay isla markaana hirgelisay Wakaallada Biyaha Hargeysa.

Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu Dhagax-dhigay Mashruuca Qodista iyo Isku-xidhka Ceelasha Biyaha, iyo bilaabidda Mashruuca Kaabeyaasha Biyaha ee Magaalada Hargeysa, kaasi oo wax weyn ka tari doona baahida adeegga biyaha magaalada Hargeysa.

Munaasibadda Xadhig-ka-jarka Biyo-xidheenka Kalqoray ayaa ahayd mid taariikhi ah oo lagu xusay horumar ballaadhan oo ay Dawladda Somaliland ka gaadhay dhanka horumarinta adeegyada aasaasiga ah, gaar ahaan sugidda biyaha magaalada caasimadda ah ee Hargeysa iyo deegaannada ku hareeraysan.

Madaxweynaha oo khudbad qiimo leh ka jeediyay Xafladda ayaa xusay in Biyo-xidheenka Kalqoray uu noqon doono il muhiim ah oo wax ka tarta baahida biyaha ee bulshada Magaalada Hargeysa.

Dhinaca kale, Madaxweynuhu waxa uu sheegay in mashruuca qodista iyo isku-xidhka ceelasha iyo mashruuca kaabeyaasha biyaha ee Hargeysa uu ka mid yahay qorshayaasha istiraatiijiga ah ee lagu wajahayo koboca degdegga ah ee caasimadda iyo baahida xagga biyaha ee sii kordheysa ee bulshada, kaasi oo door weyn ka qaadan doona kordhinta helitaanka biyo nadiif ah oo joogto ah.

Munaasibadda furitaanka Biyo-xidheenka weyn ee Kalqoray waxa iyaguna dhinacooda hadallo ka jeediyey Maareeyaha Wakaallada Biyaha ee Hargeysa, Guddoomiyaha Xisbiga Waddani iyo Xubno Wasiirro ah oo la socday Madaxweynaha.

Guntii iyo gabagabadii, Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro waxa uu hoosta ka xarriiqay sida ay Xukuumadda Somaliland mudnaan gaar ah u siineyso biyo-ballaarinta iyo ilaalinta deegaanka, isaga oo bulshada ugu baaqay inay ilaashadaan mashaariicdan muhiimka ah oo ay ka faaโ€™iidaystaan si wadajir ah.