Yaa bedelaya Sinwar hogaamihiyii la dilay ee Xamaas?

0
25

Yaa bedelaya Sinwar hogaamihiyii la dilay ee Xamaas?

Waxaa haatan la isweydiinayaa cida qabaneysa xilka madaxa xafiiska siyaasadda ee xamaas iyo qofka u dambeeya ee qaadanaya go’aamada ururka. Haddii ay Xamaas xaqiijiso dhimashada Yaxye Sinwar,

Waxaa jira labo magac oo la billaabay hadda in laga hadlo. Saraakiisha Mareykanka ayaa CNN u sheegay in walaalkii Sinwar oo lagu magacaabo Mohammed Sinwar laga yaabo inuu beddelo, waxayna ku si feeyeen mid aad u adadag sida Yaxye, oo leh mowqif adag.

Magaca kale waa Khaliil Al-Haya, oo hadda ah ku-xigeenka madaxa xafiiska siyaasadda Xamaas oo ku sugan Qatar, wuxuuna hoggaamiya wada-xaajoodyada dhexdhexaadiyaasha.

Waxaa sidoo kale aan meesha aan laga saarin nin 3aad oo la yiraahdo Khalid Mashcal oo ka tirsan hogaanka Xamaas ee dibed jooga ah kaasoo degan dalka Turkiga.

Sinwar ayaa noqonaya hogaamiyihii lixaad ee Xamaas laga dilo tan iyo markii la aasaasay waxayna dad badan aaminsan yihiin In israel ay dishay Sinwar balse ay weli nooshahay Xamaas oo ah fikrad ku dhex nool dhiiga shacabka Falastiin.