Xuutiyiinta Dalka Yemen Oo Lagu Eedeeyay In Ay Ka Dambeeyeen Weerar Ka Dhacay Dubai

0
277

Xuutiyiinta Dalka Yemen Oo Lagu Eedeeyay In Ay Ka Dambeeyeen Weerar Ka Dhacay Dubai

Dowladda Imaaraatka Carabta ayaa ku eedeeysay kooxda Xuutiyiinta Yemen in ay fuliyeen weerar saddex qof ay ku dhinteen oo ka dhacay magaalada Dubia.

Sargaal lagu magacaabo Anwar Gargash oo u hadlay xukuumadda Imaaraadka ayaa ku tilmaamay weerarka fal aad u fool xun.

Saddex Booyad oo ah oo kuwa shidaalka qaada ah ayaa qarxay, waxaana ku dhintay saddex qof, waxaana dab uu ka kacay meel u dhow garoonka diyaaradaha ee Dubia Isniintii,

Dowladda Imaaraatka Carabta ayaa sheegtay in ay “xaq u leeyihiin in ay ka jawaabaan weerarka ay ” Xuutiyiinta ku soo qaadeen magaalada Dubia.

Bayaanka ka soo baxay dowladda Imaaraadka ayaa lagu yiri : “Weerarka ma ahaan doono mid aysan ka dhalan ciqaab.”

Sarkaal ka tirsan Imaaraatka ayaa ku tilmaamay weeraradii Isniintii lala beegsaday dubia inay ahaayeen “gardarrada ay ku kaceen Xuutiyiinta,” sida ay wakaaladda wararka ee Reuters ka soo xigatay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here