Xukuumadda Somalia Oo Sheegtay In Uu Hoos U Dhacay Heerka Faafitaanka Cudurka Corona
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda fedraalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa Shir guddoomiyay kulan looga hadlayay xanuunka Corona ee muddoyinkii dambe kusii faayay gudaha Soomaaliya.
Kulankan oo ay yeesheen xubnaha Guddiga heer Qaran ee xakamaynta fayruskaan ayaa ka warbixiyay sida uu u socdo qorshaha Laguna tacaalayo maadaamada xanuunkaan uu fara ba’an ku hayo dunida.
Dhinaca kalana guddiga ayaa tilmaamay in uu hoos u dhacay heerka faafifitaanka Corona,iyaga oo ku baaqay in lasii joogteeyo dadaalada lagu ciribtirayo.