Xukun lagu riday Muwaadin Soomaali gubay Kaniisad ku taalla Dal ka tirsan Yurub

0
283

Xukun lagu riday Muwaadin Soomaali gubay Kaniisad ku taalla Dal ka tirsan Yurub

Maxkamada Racfaanka Gobolka Innlandet ee dalka Norway ayaa waxaa ay xukun ku riday Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu helay dembi ah inuu gubay kaniisada taariikhiga ah ee Dombås ee ku taalla dalkaas.

Muwaadinka oo da’diisu lagu sheegay 29-sanno jir ayaa Maxkamadda Racfaanka Innlandet waxaa ay ku xukuntay in lagu haayo Xarunta loogu tala-galay in lagu haayo dad dhimirka ka xanuunsan ee dembiyada geysta.

Muwaadinka oo aan magacaabiisa la shaacin ayaa waxaa horey Maxkamadda hoose ee magaalada Lillehamar ee Norway ku xukuntay afar sanno iyo labo bilood oo xabsi ah, balse la tilmaamay in qareenada u doodayay ay rafcaan ka qaateen xukunkaas.

Sidoo kale Maxkamada Racfaanka Gobolka Innlandet ee dalka Norway ayaa Waaxda Caafimaadka ka codsatay in baaris Caafimaad lagu sameeyo Muwaadinka lagu helay inuu gubay kaniisada taariikhiga ah ee Dombås iyo isku deyga kaniisad kale.

Baaritaano kala duwan oo Caafimaadka gaar ahaan dhanka Maskaxda looga sameeyay Muwaadinka Soomaaliyeed ee xukunka lagu riday ayaa Natiijada soo baxday lagu sheegay inay tahay in Ninka uu haayo nooc kamid ah xanuunada dhimirka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here