Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab oo lagu xiray gudaha dalka Kenya

0
450

Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab oo lagu xiray gudaha dalka Kenya

Ciidanka Iskudhafka ah ee Milatariga iyo booliska Kenya ayaa howlgalo xoogan ka wada deegaanada u dhow xadka dalka uu la wadaago dalka gaar ahaan dhanka Dhoobley.

Howlgalo Saacadihii ugu danbeeyay ka dhacay deegaanka Liboi oo laba todobaad ka hor lagu dilay 11 askari oo ka tirsanaa booliska Kenya ayaa lagu soo qabtay laba qof oo la Tuhmayaal Ah.

Dhanka kale ciidanka ayaa soo bandhigay sadex qori oo nooca loo yaqaan Akaha oo raggan ay wateen sida saraakiisha Sheegeen.

Xariga shaqsiyaadkan iyo hubka la helay ayaa ku soo beegmaya kadib amar ka soo baxay isku duwaha dhanka amaanka gobolka waqooyi Bari Maxamed Birik.

Marka la gaaro xiliyada roobka ayaa dagaalyahanada Al-Shabaab waxay kordhiyaan weerarada ka dhanka ah ciidanka Amniga Kenya, sida uu Universal u sheegay xildhibaanka degmada Dadab Dr Maxamed Daahiye.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here