Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Guterres oo Siyaasiniinta Liibiya ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan “Nabad & Doorasho xasiloon”.

0
359

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Guterres oo Siyaasiniinta Liibiya ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan “Nabad & Doorasho xasiloon”.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa dhinacyada isku haya Doorashada Liibiya ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan xoojinta nabadda iyo iskaashiga Doorasho u dhacda si xor & Xalaal ah si looga gudbo qulqulatooyinka siyaasadeed.

Antonio Guterres ayaa sheegay in waqtigaan aanay habbooneen kala qaybsanaan iyo abaabulka xiisad saameyn taban ku reebta Dedaallada Doorashada dib uga dhacday xiliga lagu ballansanaa oo ah 24kii December 2021.

Guterres ayaa xalka ku habboon xiisadda siyaasadeed ee Liibiya ku sheegay in la joojiyo Dowladaha la iska barbardhigayo dedaalla lagu wajahayo dhaqdhaqaaqa siyaasadda la isugu geeyo qabsoomidda Doorasho lagu wada qanacsan yahay.

Hay’adaha kala duwan ee Liibiya waxa uu usoo jeediyay in rabitaanka dadka isu diiwaangeliyay u codeynta Dowladda ay u arkaan in ay ka saari karto dhibaatooyinka ka taagan dalkaas tan iyo 2011kii oo ku beegan waqtigii la tuuray Nidaamkii Mucammar Al-Qadaafi.

2.8 Milyan oo ruux ayaa isu diiwaangeliyay Doorashada Liibiya ee caga-jiidka noqotay, guud ahaan Shacabka Dalkaas waa 6.871 Milyan sida ku cad xog uruurin uu sameeyay Bangiga Adduunka 2020kii.

Siyaasiyiinta Liibiya ayaa 2021kii ku heshiiyay in la qabto Doorasho daah-furan oo xor iyo xalaal ah waxaana isu diiwaangeliyay musharixiin ay kamid yihiin Gen. Khaliifa Xaftar oo dagaal xooggan u galay hanashada kursigaan & Wiil uu dhalay Mucammar Al-Qadaafi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here