Xiisada Cusub oo Kasoo Kordhay Iraiil iyo Iraan+Israa’iil oo u Hanjabaad hawada u marisay dalka Iraan
Raysalwasaaraha Israa’iil Naftali Bennett ayaa u sheegay Golaha Guud ee Qaramada Midoobay in barnaamijka nukliyeerka Iiraan uu ka tallaabay “dhammaan khadadka cas” ee dalkiisa.
Wuxuu ku eedeeyay Iiraan inay doonayso inay ka taliso Bariga Dhexe iyadoo ka abuuraysa dallad nukliyeer gobolka, wuxuuna ku adkaystay in Israa’iil aysan u oggolaan doonin Iiraan inay hesho hubka nukliyeerka.
Waxa kale oo uu ka dhawaajiyay suurtogalnimada in Israa’iil kaligeed wajihi doonto Iiraan, arrintaas oo uu dalkiisu marar badan ku hanjabay.
Bennett ayaa yiri: “Barnaamijka nukliyeerka Iiraan wuxuu gaaray heer biyo -galeen ah sidoo kale dulqaadkeenna ayaa isna gaaray heerkii ugu dambeeyay,”.