Xerada barakacayaasha ugu weyneyd Suuriya oo la xiray
Xerada Rukban, oo la aas-aasay sanadkii 2014 xilligii uu dagaalkii sokeeye ee Suuriya uu gaaray heerkii ugu xumaa, ayaa si rasmi ah loo xiray. Qoysaskii ugu dambeeyay ee ku noolaa xeradaas ayaa hadda si nabad ah ugu laabtay guryahoodii hooyo.
Xeradan waxay ku taallay aagga ay maamulayeen ciidammada isbaheysiga uu Mareykanku hoggaaminayo ee dagaalka kula jiray kooxda ISIL (ISIS). Waxaa loo dhisay si ay u hoydaan dadka ka cararayay dagaalyahannada ISIL iyo duqeymaha xooggan ee ka imaanayay xukuumaddii Madaxweyne Bashar al-Assad.
Wasiirka Warfaafinta ee Dowladda Suuriya, Hamse Al-Mustafa, ayaa ku sheegay barta X “Iyada oo la xiray xerada Rukban, waxaan soo afjaraynaa cutub murugo leh oo ka mid ah sheekooyinka barakaca, kuwaas oo ay sababeen mishiinka dagaalka ee nidaamkii hore.”