Xeer Ilaaliyaha Qaranka oo sheegay in kiiska badda uu 9-ka September ka bilaaban doono Maxkamadda ICJ

0
432

Xeer Ilaaliyaha Qaranka oo sheegay in kiiska badda uu 9-ka September ka bilaaban doono Maxkamadda ICJ

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Axmed Cali Daahir ayaa shaaca ka qaaday in dhageysiga dacwadda badda ee Somaliya iyo Kenya isu hayaan, ay sagaalka bisha soo socota ka bilaaban doonto Maxkamadda Cadaaladda Caalamiga ee ICJ.

Dhageysiga dacwadda badda Somaliya ee Kenya murunka gelisay ayuu sheegay in dhageysigeeda uu soo geba-gaboobi doono 13-ka bisha September, iyadoona uu dhageysiga socon doono muddo afar maalmood ah.

Wuxuu sheegay afartaasi maalmood in laba ka mida ay Somaliya Maxkamadda ku horkeeni doonto cadaymaha ay u hayso in badda lagu murunsan yahay ay iyadu leedahay.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Kenya ay iyaduna laba cisho fursad u haysato inay Maxkamadda ICJ ku horkeento wixii cadaymo ah, ay ku doodeyso inay iyadu leedahay badda ay murunka gelisay.

Axmed Cali Daahir, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa intaasi ka dib sheegay inay Maxkamadda u fariisan doonto xukunka kama dambeysta ah ee kiiskan, inkastoo aanu sheegin waqtiga ay Maxkamadda go’aankeeda ugu dambeeyo qaadan doonto.

Qareenada Somaliya ee badda difaacaya ayaa waxay sheegeen inay ku kalsoon yihiin in guusha ay dhankoodu raaci doonto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here