Xasan Sheikh Oo Ku Wajahan Kenya Iyo Ujeedka Socdaalkiisa

0
328

Xasan Sheikh Oo Ku Wajahan Kenya Iyo Ujeedka Socdaalkiisa

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ku wajahan magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, waxaana socota qaban-qaaabdii ugu dambeysay ee socdaalkiisa.

Xasan Sheikh Maxamuud Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale la filayaa inuu booqosho rasmi ah oo labo maal mood qaadin doonta ayuu ku joogi doonaa dalkaasi, sida wararku sheegayaan.

Safarka Madaxweynaha ayaa noqonaya kii 4aad ee uu dalka dibaddiisa ugu baxo, tan iyo markii loo doortay markle madaxwerynaha Soomaaliya, waxaana uu horay safarro ugu bixiyay dalal ay ka mid yihiin, Imaaraatka, Turkiga iyo dalka Eriteria oo uu dhawaan kasoo laabtay, halkaasi oo uu heshiisyo is af-garad ah kula soo saxiixday Madaxweynaha dalkaasi Isias Afewerki.

U jeedka rasmiga ah ee socdaalka Xasan Sheikh ayaa ah xeriirka labada dal Soomaaliya iyo Kenya, maaddaama Xiriirka labada dal uu waayadii dambe Xumaa, waxaana warbaahinta dalkaasi ay qoreen wax-yaabaah laga hadlayo uu ku jiro ganacsiga khaadka oo muhiimad gaar ah u leh keenyaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here