Xarunta nukliyeerka Iiraan ee qarsoon oo Mareykanka keliya duqeyn karo
Xaruntan waxay ku taalaa dhulka buuraleyda koonfureed ee magaalada Texraan ee caasimadda Iiraan.
Waa xarun muhiim ah nukliyeerka Iiraan, Israa’iilna waxay dooneysaa inay weerarto
Fardow waa xarunta labaad ee nukliyeerka Iran. Waxay ku tool gunta hoose ee buuraha u dhow magaalada Qom oo 95 kilomitir koonfur-galbeed ka xigta magaalada caasimada ee Tehran, wuxuuna kanaalka dhulka hoostiisa ah isku xiraa Ingiriiska iyo Faraansiiska, waana mid anaan gaarin hubka Israa’iil.
Keliya Mareykanka ayaa loo arkaa inuu leeyahay awoodda u uku weerari karo xaruntaas, tallaabadaas oo sii adkeyn karta xiisadda Bariga Dhexe. Israa’iil hubka ay heysato ee ay ku weerari karto xaruntan, balse waxay gaaraan oo keliya 10 m(33 fiit) oo dhulka hoostiisa ah.
Waxay ku taal meel qiyaastii 60 mayl (96km) koonfurta ka xigta caasimadda Texraan
Sanadkii 2006-dii ayaa la bilaabay dhismaha xaruntaas, waxayna shaqada bilowday 2009-kii markaas oo Tehran ay si rasmi ah ugu dhawaaqday jiritaankeeda.
Inkastoo la sheegay xarunta Fardow in ay ku taal 80 mitir meel ka hooseysa dhul dhagax iyo ciid adag, hadana waxaa ilaaliya gantaalada Iran iyo Ruushka.
Bishii Maarso ee sanadkii 2023-kii, waxay Hay’ada Atoomikada Caalamiga heshay qeybo ka mid ah yuraaniyamka oo la naaxiyay ilaa iyo 83.7 boqolkiina, taas oo aad ugu dhow in hub laga dhigo.