Xabbad-joojinta Xamaas & Israaiil ay wada-gaareen oo maanta ku siman.

0
191

Xabbad-joojinta Xamaas & Israaiil ay wada-gaareen oo maanta ku siman.

Waxaa maanta oo Isniin ah muddo ahaan ay ku siman tahay 4tii cisho ee xabbad-joojinta ay wada-galeen Xamaas iyo Israaiil si gargaar loogu fasaxo Shacabka go’doonsan ee Falastiin isla markaana maxaabiista labada dhinac ay kala heystaan is dhaafsadaan.

Dhaqdhaqaaqa Xamaas ee iska caabinta kala soo horjeedda Ciidanka Israaiil ee garabka ka helaya Mareykanka iyo xulufadiisa Yurub ayaa Yuhuudda saddexdii cisho lasoo dhaafay ku wareejisay Maxaabiis Carruur & Dumar ah.

Israaiil ayaa sidaas oo kale sii daysay Maxaabiis Isugu jirta Carruur iyo Haween oo ay kasoo qafaasheen Magaalada Gaza wixii ka dambeeyay 7dii Oktoobar 2023 & qaar kale oo sanado badan u xiran ciidanka Gumeysiga Yuhuudda.

Madaxa qof weliba oo Yuhuud ah waxa ay Xamaas dhaafsatay saddex qof oo Falastiiniyiinta u xiran Ciidanka Israaiil waxaana sidaas aqbashay Xukuumadda Benjamin Netanyahu oo ku fashilantay xoog kusoo furashada Maxaabiista laga qabsaday.

Haddaba, maanta miyay soo idlaaneysaa Xabbad-joojnta mise rejo kale ayaa jirta?

Sida ay ku warrameen diblumaasiyiin iyo xubno si dhow ula socda xabbad-joojinta xadidan ee Xamaas & Israaiil ay wadagaleen, waxaa muuqda rejo ah in maalmo kale oo dheeraad ah lagu dari doonno saacadaha soo socda si dad kale la isku dhaafsado.

Mareykanka oo welwel xooggan ku qabtay dagaalkii ay sahlanayeen balse ku adkaaday ayaa markaan Israaiil waxa uu kula talinayaa in ay iska dhaafto madaxa-adeegga loona baahan yahay in wadahadalka socda lasii wado.

Madaxa ugu sarreeya ee Sirdoonka Yuhuudda ee loo yaqaan Mossad ayaa la ogaaday in uu diyaariyay qorshe kale oo ah in ay hayaan Liiska Dad badan oo u xiran Xamaas si loosoo daayana loo baahan yahay in lasii waqti dheereeyo xabbad-joojinta.